X
    Categories: Warar

Golaha Amaanka Oo Kordhiyay Mudada Ciidamadda AMISOM Joogayaan Soomaaliya

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)- Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa muddo kordhin u sameeyeen Howlgalka  Ciidamadda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Golaha, aya kulan ay yeesheen kadib sheegay in la kordhin doono Tiradda Ciidamada midowga Afrika  ee AMISOM oo ka hawlaga Soomaaliya ,kuwaas oo sida ay sheegeen la gaadhsiin doono 20,626 oo Askari,halka ay hadda yihiin 22,126 oo askari.

Sidoo kale Golaha amaanka Qaramadda Midoobay, ayaa sheegay in uu jiro qorshe ku waajahan in Ciidamadda Milateriga ee AMISOM oo hada ku sugan Soomaaliya lagu bedeli doono 1,040 Askari oo booliska AMISOM ah.

Marar baddan waxay AMISOM sheegtay in ay ka baxayso Soomaaliya , balse ma fulin balan qaadyadaadi, waxyna xiligan golaha Amaanku u kordhiyeen mudada sheegeen in gabi ahanba ay dalka isaga baxayaan marka la gaadho Sanadka 2020.

Sananadkii 2017′,  waxa ka baxay Soomaaliya 1,000 Askari oo katirsanaa Ciidamadda ka hawlgala Soomaaliya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post