Golaha Amaanka Oo Canbaareeyay Hubka Woqooyiga Kuuriya Tijaabisay Ee Hydargein Bom iyo Sharaxaado Laga Bixiyay

Golaha Amaanka Oo Canbaareeyay Hubka Woqooyiga Kuuriya Tijaabisay Ee Hydargein Bom iyo Sharaxaado Laga Bixiyay

Araweelo News Network
KimJong-unKimJong-unPyongyang(ANN)Golaha Amaanka, ayaa si weyn u canbaareeyay tallaabada dowladda Kuuriyada waqooyi ku tijaabisay Bambaano Kiimiko ah, taas oo cabsi ku abuurtay dawladaha waaweyn ee sheegta kuwa ugu awooda baddan.
Dalalka xubnaha ka ah Golaha Amaanka, gaar ahaan kuwa codka Viitooda leh ee lagu magcaabo (U.N. Security Council), ayaa si adag u canbaareeyay arrintaa, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda soo qaraar ka dhan ah dalka North Koria ee tijaabiyay Bomka Hydargein-ka ee xanbaarsan gumucyada Nukliyeerka.
Madaxweynaha da’ada yar ee Dawladda Waqooyiga Kuuriya Mr. Kim Jong-Un, ayaa ku dooday in aanay cidna ka ogolaanayn xaqa ay dalkiisu u leeyihiin inay ka mid noqdaan dalalka haysta hubka wax gumaada, sidaa awgeed uu xaseexay tijaabada gantaalaha dheereeya ee casriga ah, isla markaana ah nooca Hydrogen-ka, iyadoo gantaalkii ugu horeeyay laga riday magaalada Kilju oo ku taala Waqooyi bari dalkaasi

Telefeshinka Qaranka ee Waqooyiga Kuuriya, ayaa lagu sheegay in si guul ah loo tijaabiyay Bam haydorojiin ah, kaas oo ka halis baddan hubka wax baabi’iya ee Mareykanka iyo xulufadiisa ay heystaan.
.
Dhinaca kale Khuburada ku takhasusay Hubka Nukliyeerka, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan, yadoo qaarkood sheegeen in aanay waxa ay Woqooyiga Kuuriya tijaabiyeen aanay ahayn wax dhamaystiran, koox kale oo ah Khubaro ku takhasusay hubka Kiimikada ayaa sheegaya in Bambaanada haydorojiin ay ka halis badantahay hubka niyugleerka ee Mareykanku ku garaacay wadanka Japan.
koox khubro ah oo lagu magcaabo Norsar, isla markaana xaruntoodu tahay dalka a Norway oo dabagal ku sameeya tijaabooyinka Hubka Nukliyeerka, ayaa sheegay inuu Bom-ka ay tijaabisay Kuuriyada Woqooyi aad uga yaryahay marka loo eego atomic bombs loo isticmaalay Hiroshima iyo Nagasaki, dagaalkii labaad ee aduunka, isla markaana qiyaasta lagu cabiro qaraxa nukliyeerka uu dhanyahay 10,000 tons ( TNT). sidaa awgeed tijaabada H-Bom ee North Koria aanay ahayn waqtigan mid dhamaystiran oo laga wer wero.
Wqooyiga Kuuriya, waxay hore u samaysay tijaabooyin Hubka Nukliyeerka ah sanadkii 2013, balse waxa si weyn cabsi ugu abuuray dunida tijaabada Bambaanada haydorojiin, iyadoo hubka Nukliyeerka ay haystaan inta la ogyahay USA, France. Rashia, Britain, China, India iyo Pakistan,Israil, balse hadda North Koria noqotay dalka sideed.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

FacebookFacebookTwitterTwitterEmailEmailWhatsAppWhatsAppRedditRedditPinterestPinterestPrintPrintSkypeSkypeTelegramTelegramShareShare
AddThis Website Tools
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post
whatsapp
line