X
    Categories: Warar

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Ka Fal-celisay Dacwad Xukuumadda Somaliland U Gudbisay


New York(ANN)-Guddiga Golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya, ayaa eedayn culus u jeediyey dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in dowladdu ay ku fashilantay inay kala shaqayso howlaha la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in la xoojiyo cunaqabateynta saaran Soomaaliya, islamarkaana lagu sameeyo dib-u-habayn, si looga hortago hubka sharci darrada ah ee gacanta u gala kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Jonathan Guy Allen oo ka mid ah xubnaha guddiga ee golaha ammaanka warbixinta siiyey, ayaa yidhi, “Cunaqabateynta waxa loo saaray Soomaaliya waxay ahayd in lagu caawiyo ee ma ahayn in wax loogu dhimo, guddiga khubarrada ahna waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo la xidhiidha ka hortagga argagixisada. Laakiin waxaannu jecelahay in Soomaaliya sii saarnaaddo cunaqabtaynta hubku.”

Sidoo kale, Somaliland ayaa mar horre farriimo u kala dirtay lammaaha amaanka ee IGAD iyo Qaramadda Midoobay. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriya ayaa baaq uu diray u dhignaa Sidan

“Waxaan ogsoonahay in baryahanba dawlada Farmaajo ee fila Somaliya fadhidaa ay isku dayaysay in hub lasiiyo oo waliba ay waydiisatay dalalka Eratariya iyo Turkiga horena ay u soo siiyeen dalal aanan halkan magacayadooda ka sheegayn. ,IGAD iyo dalalka Afrikaba ha ogaadaan inuu hubku mabnuuc ka yahay Somaliya waxii laysku odhan jiray in hub loo soo daayo,ha ogsoonaadaan hubkaas haddii loo soo daayo in Somaliland iyo Geeska Afrikaba uu hubkaasi khatar ku yahay iyo dhibaato aan loo joogin, waxaan leeyahay aduun weynuhu ha ka digtoonaadan, haddii ay isaga u sii daayaana anagana ha noo soo daayaan.”

Xigasho Warsugan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post