X
    Categories: Warar

Goddoomiyaha Shirkadda Ugu Weyn Isgaadhsiinta Ee Telesom Oo Sheegay In Horrumarka Iyo Dhaqaalaha Dalka Aan Looga Maarmayn In La Helo Viber Optic-ga

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo ka hadlaya shirka Tignoolajiyada 7 Sep 2019

Goddoomiye Cabdikariim Maxamed Iid Oo Si Weyn Loogu Guuxay Khudbada uu ka jeediyay Shirka Tignoolajiga

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom  oo ah shirkadda ugu weyn dalka, isla markaana ugu guunsan ayaa ku soo bandhigtay Shirweynaha Tignoolojiyada (Somaliland ICT Conference 2019), oo saaka Hargeysa  ka furmay.

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Ii doo ka hadlay madasha shrikaa, ayaa ka sheekeeyay marxaladihii au soo martay shirkadda  iyo sida ay dunida ula macaamilayeen si ay u horrumariyaan dalka .

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Adeegyadan oo la jaanqaadaya Tiknoolajiyada Casriga ah, isagoo xusay in shirkadaha Somaliland safka horre kaga jiraan adeegyada casriga ah ee dunida, gaar ahaa shirkadda Telesom oo ta ugu weyn marka loo eego dalalka geeska Afrika, isla markaana wuxuu xusay adeegyo ay dhawr sannao ka hor soo bandhigeen ay dhiwaan dalal afrika ah.

Guddoomiye Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa sheegay in horrumarka dhinacyada dhaqaalaha, shaqo –abuurka iyo wax badan oo kale aan looga maarmayn in la helo ViberOptic aynu kala soo degno badeena oo aan cid kale ku tuursanayn, isla markaana dawladda looga baanyahay in shuruucdii iyo wiixi looga baahnaa oo la jaanqaadaya Tignoolajiga casriga ah ee dunida ay diyaariso, waxaana Guddoomiyaha Telesom markii uu qudbadaa jeedinayay waxa si weyn ugu sacab-tumay boqolaal qof oo madasha fadhiyay, kuwaas oo u guuxay xaqaa’iqa dhinaca Internet-ka ee uu ka hadlay.

Halka ka Daawo khudbada GuddoomiyeCabdirashiid Maxamed Iid oo uu si faah-faahsan ugaga hadlayo arrimo baddan.

Goddoomiye Cabdikariim Maxamed Iid Oo Si Weyn Loogu Guuxay Khudbada uu ka jeediyay Shirka Tignoolajiga
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post