X
    Categories: Warar

Go’aankii Madaxweyne Trump Oo Dhicisoobay Iyo Hanjabaad Uu Ku Weeraray Garsoorihii Diiday

Araweelo News Network

US President Donald Trump walks with his wife Melania Trump on the tarmac after he arrived on Air Force One at the Palm Beach International Airport for a visit to his Mar-a-Lago Resort for the weekend on February 3, 2017. (Photo by AFP)

Washington(ANN)- Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku amaray saraakiisha Xuduudaha Dalka in ay si taxadar leh u baadhaan dadka galaya dalkooda, kaddib markii ay shaqaynweyday xayiraadii socdaalka ee uu kusoo rogay dadka ka imanaya Toddoba dal oo Muslin ah.

Madaxweyne Trump, wuxuu ku hanjabay in xaakinka diiday go’aankiisa James Roper uu dalka gelin karo xaalad khatar ah, wuxuuna ku celceliyay in haddi ammaan darro dhacdo uu isagu masuuliyadda qaadi doono, sharcigana la soo taagi doono.
Mr. Trump, wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan “mid adag” isla markaana ay iyagu eeda dusha u ridan doonaan haddii ay dhibaato dhacdo.
Sabtidii ayay maxkamadda Racfaanka Faderalka waxay ku gacan saydhay codsigii maamulka Donald Trump uu ku dalbanayay in dib loo soo celiyo xanibaadii socdaaalka ee uu saaray dalalka Muslinka qaarkood, taas oo saamaynaysay dadka ka imanaya toddobo dal oo muslimiintu ay u badan yihiin ayaa maalintii Jimcaha waxaa is hortaagay Xaakim Mareykan ah.
Balse amarkii Trump, ayaa hakad la geliyay iyadoo dadka sita dal ku galka ee ka soo jeeda dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman loo ogolaaday in ay soo galaan Mareykanka inta kiskaasi si buuxda looga dhageysanayo.

Aqalka cad iyo labo gobol oo ka horyimi go’anka ayaa kama dambays loo qabtay maalinti Isniinta ah si ay usoo gudbiyaan doodahooda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post