Araweelo News Network
Washington(ANN)- Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku amaray saraakiisha Xuduudaha Dalka in ay si taxadar leh u baadhaan dadka galaya dalkooda, kaddib markii ay shaqaynweyday xayiraadii socdaalka ee uu kusoo rogay dadka ka imanaya Toddoba dal oo Muslin ah.Madaxweyne Trump, wuxuu ku hanjabay in xaakinka diiday go’aankiisa James Roper uu dalka gelin karo xaalad khatar ah, wuxuuna ku celceliyay in haddi ammaan darro dhacdo uu isagu masuuliyadda qaadi doono, sharcigana la soo taagi doono.
Mr. Trump, wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan “mid adag” isla markaana ay iyagu eeda dusha u ridan doonaan haddii ay dhibaato dhacdo.
Sabtidii ayay maxkamadda Racfaanka Faderalka waxay ku gacan saydhay codsigii maamulka Donald Trump uu ku dalbanayay in dib loo soo celiyo xanibaadii socdaaalka ee uu saaray dalalka Muslinka qaarkood, taas oo saamaynaysay dadka ka imanaya toddobo dal oo muslimiintu ay u badan yihiin ayaa maalintii Jimcaha waxaa is hortaagay Xaakim Mareykan ah.
Balse amarkii Trump, ayaa hakad la geliyay iyadoo dadka sita dal ku galka ee ka soo jeeda dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman loo ogolaaday in ay soo galaan Mareykanka inta kiskaasi si buuxda looga dhageysanayo.
Aqalka cad iyo labo gobol oo ka horyimi go’anka ayaa kama dambays loo qabtay maalinti Isniinta ah si ay usoo gudbiyaan doodahooda.