X

Go’aanka Madaxtooyaddu Raad Ma Ku Yeelanayaa Nidaamka Dimuqraadiyadda Iyo Doorashooyinka Somaliland

Haween saf ugu jira in ay codkooda dhiibtaan doorashadii Madaxtooyadda Somaliland 2017, goob ka mid ah goobbaha Hargeysa, Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Faallo: By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Hargeysa(ANN)-Doorashooyinka #Somaliland ee gollayaasha Wakiillada iyo Deeggaanka, ayaa wax laga bedelay qaabka murrashaxiintu fursad u siinayeen Bulshada ay codadka ka doonayaan in ay fahmaan qorshahooda la xidhiidha ollolaha, waxyaabaha ay qabanayaan ee u qorshaysan iyo  in ay ka dhaadhiciyaan dadka ay codka ka doonaayan ujeeddada ay u sharaxan yihiin.

Kulan maanta lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo ay ka qaybgaleen  Guddoomiyayaasha Axsaabta qaranka, Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud iyo xubno ka mid ah gollaha wasiirada ee xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa lagu faaqiday doorashooyinka Somaliland ee loo muddeeyay in ay dalka ka qabsoomaan 31 May 2021, iyadoo wax ka yar labaatan caana-maal inaga xigaan.

Hase yeeshee kulankaa oo saacado qaatay waxa guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

,“Waxaanu ku heshiinnay in Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ollolaha gelayo, weliba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha  Beerta xorriyadda tegayaa, ama goobta qaranka ka dhexaysa ee gobolka, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ka ollolaynayaa degmooyinka, ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgelyada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culayska eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahooda u gacan furnaadaan oo aannay ku Arbushmin hawlo kale.” Sidaa waxa yidhi, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo sharaxay waxyaabaha ay shirkaa kasoo saareen ee arrimaha doorashada la xidhiidha.

Doorashooyinka ay ku tartamayaan in ka badan sagaal boqol oo murrashax, isla markaana ah kuwio isku lamaan oo Deegaanka iyo wakiillada ah, waxa sabab looga dhigay in xilliga ollolaha gebi ahaanba kagu kobo muddo lix maalmood ah, iyadoo la eegayi xaaladda nabadgelyada, kharashaadka iyo culayska, sida Maadxweyne Biixi dhawaajiyay.

Hase yeeshee marka laga yimaado kharashaadka olloluhu maaha kuwo khuseeya xukuumadda, maadaama ay murrashxiinta hawshooda tahay, isla markaana aannay jirin meel xukuumadda iyo axsaabtu murrashaxiinta ugu qorsheeyeen in ay ka bixiyaan kharashaadka Ollolaha, marka laga reebo tiro koobban oo xukuumaddu dammaanad qaaday kharshkooda, mana jiraan caddaymo muujinaya in axsaabtu diyaarsatay oo horeba usii qorshaysatay qorshe miisaaniyadeed Olloha doorashada ah, oo yeelanaya akoon xisaabeed ka furan Bangiga dhexe oo xisaabtiisa la ogyahay, isla marakana xisaab celintiisa loo gudbinayo sida kharashkaas Ollolaha loogu isticmaalay marka ay dhammaato doorashadu, sida uu qeexayo xeerka doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyaayaasha ee Xeer Lr. 91/2020.

Sidoo kale ma muuqato xaallad nabagelyo daro oo Somaliland looga cabsanaaya xilligan, waana fursad muwaadiniinta codkooda dhiibanayaa ay leeyihiin oo murrashaxiintu ay xaq u leeyihiin in ay helaan xilli ku fulin oo ay barnaajimyadooda iyo ujeeddooyinka hankooda ugu soo bandhigaan, isla maraaka waa qayb muhiim u ah Ollolaha, waana rukunada mabaa’diida dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah,

Waa tiirka u saamaxayya codbixiyaha inuu kala doorto murrshaxiinta markuu arko lollankooda, waa waxa ugu muhiimsan Olloluhu ee macnaha u samaynaya doorashadda, amma lagu tilaami karo inuu yahay sababta doorasho dimuqraadi ah iyo tartan xallaal ah loo qabanayo ee loollanku u dhacayo, waana fursada kuwa codka dhiibanaaya ay ku kala dooranayaan tartamayaasha, kuwaas oo iyaguna dhankooda iskaga iibinaya codboxoyayaasha, iyagoo la imanaya barnaamijka ay iibinayaan iyo balanqaadkooda, ama balamaha waxa ay doonayaan in ay  qabtaan marka ay guulaysataan, waana ta keenaysa la xisaabtanka codbixiyaha iyo murrashaxa iyo xtaa Xisbiga.

Labada doorasho ee isku lamaan labaduba ahmiyad weyn ayay u leeyihiin qaranka, sababtoo ah waxa la doonayaa in ay kasoo baxaan gollihii sharci-dejinta ee shanta sannadood ee socda, isla markaana ah mid ka mid ah saddexda awooddood ee qaranka, waana halka la doonayo in ay dadku kasoo doortaan xubnaha ay ku aamninayaan in ay muddada xilkooda ee dastuurku jideeyay soo saaraan shuruuc iyo xeerar saamayn ku yeelanaya nollosha Bulshada. sidoo kale a doonayo saamayn ku yeeshaan go’aanada masayrka ummada iyo inay dabar u noqdaan waaxd fulinta ee xukuumadda oo Madaxweynuhu hoggamiyo.

Sidoo kale, waxa doorashada lagu soo dooraanyaa golayyaasha deegaanka ee maamulaya dawladdaha hoose ee laga doonayo in ay maareeyaan magaalooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada, waana sababaha xaqa iyo waajibaadka dimuqraadiyaddu u siinay tartamayaasha iyo codbixiyaashu in ay fursad isu helaan, marka ay soo badnhigaan barnaamijyada iyo ujeeddooyinka hadafkooda iyo kala duwanaanshaha  murrashaxiinta loolamay.

Qaabka Ollolaha doorashooyinka iyo muddada loo astaynayo waxa xeerka doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyaayaasha ee Xeer Lr. 91/2020, awood u siiyay in ay cayimaan Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, waana mid ahmiyadiisa leh, wallaw aannay welli Guddida doorashooyinku go’aanka shaacin in ay ku raaceen Axsaabta, isla markaana la dhawarayo jawaabtooda saacaddaha soo socda, wallaw muddada doorashooyinka loo cayimay ay ka hadheen wax ka yar labaatan caanamaal. sidaa awgeed aannay muuqan fursad weyn wax weyn ka bedelay muddada koobban ee axsaabtu dalabanayaan in laga dhigo Ollolaha,

Si kastaba ha ahatee waxa hubaal ah in arrintaasi raad ku yeelan doonto nidaamka geedi-socodka Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, waxaynuse dhawri doonaa natiijada kasoo baxda.

Faallo: By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Email: Jaamac132@gmail.com

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post