Maxkamada ayaa dil ku xukuntay hoggaamiyaha ugu sarreeya ururka Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Badiic iyo 13 qof oo kale oo ka tirsan ururka Ikhwaanka ee dalka Masar laga mamnuucay, kuwaas oo ka mid ah kumanaan qof oo xabsiyada loo taxabay markii ay xukunka la wareegeen Milateriga Masar saan laba sanadood ka hor.
Maxkmadda ayaa ku sheegtay in Maxamed Badiic iyo taageerayaashiisa lagu helay dambiyo lagu eedeeyay oo nuxurkoodu ahaa inay qorsheynayeen weerar ka dhan dowladda, balse go’aanka maxkamadda, ayaa loo gudbiyay Sheekha Muftiga ugu weyn dalka Masar, kaas oo go’aan kasoo saari doona.
Hoggaamiyaha Ururka Ikhwaanka Maxamed Badiic iyo boqolaal qof oo ka tirsanaa Ururka Ikhwaanka, ayaa hore loogu xukumay dil, balse Maxamed Badiic, ayaa xukunkaa loogu beddelay xabsi daayin.
Hay’addaha xuquuqda Aadamaha iyo qaar ka mid ah dalalka shisheeye ayaa hore u canbaareeyay xukunka dilka ah ee Maxamed Badiici iyo boqolaal Ururka ikhwaanka ka mid ahaa oo xabsiyada dalka Masar ku jira, kuwaas oo xukuumadda Marshal Abdel Fattah Alsisi xabsiyada ku gurtay markii tallada lagu tuuray Madaxweynihii hore Maxamed Mursi laba sanadood ka hor.
Lama ogga dhawaaqa go’aanka mufdigu kasoo saarayo arrinta xukunka dilka ah ee Maxamed Badiici, balse waxa la filayaa in maalmaha soo socda uu go’aan kasoo saaro, kaas oo aan la ogayn waxa uu noqon doono.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews