X
    Categories: Warar

Go’aamo Ku Waajahan Sarifka Dollarka Oo Kasoo Baxay Kulan Deg Deg Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Golihiisa Wasiirada

Araweelo News Network

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi cabdi


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan aan caadi ahayn oo deg deg ah isugu yeedhay golihiisa wasiiradda maanta.

Kulankaa oo saacado badan qaatay, waxa laga soo saaray go’aamo si weyn wax uga taraya qiimaha dolarka ee cirka isku shareeray iyo qiima dhaca ku yimi lacagta Somaliland xiligan.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharaxay go’aamada kasoo baxay shirkaa iyo tallaabooyinka ay xukuumad ahaan qaadayaan ee ku waajahan arrimaha sarifka dolarka ee kacay iyo qiima dhaca ku yimi lacagta Somaliland.

Go’aamada waxa qayb ka ah kuwo ku waajahanA deegyada lacagaha laysugu diro ee Zaadka iyo e-Dahabka.

Halkan ka Daawo Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo sharaxaya arrimahaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post