X
    Categories: Warar

Go’aamo Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland

Golaha Wasiiradda Xukumadda Muuse Biixi

Araweelo News Network

 

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii lixaad (6aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 22.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa warbixin lagaga dhegaystay guddida nabadgalyada ee Golaha Wasiirada oo daarasad kooban ka diyaariyey sida looga hortagi karo dagaallada soo noqnoqda ee dhexmara Beelaha Somaliland qaarkood oo ay ku sababeeyeen isku qabsiga khayraadka bulshada ka dhexeeya, khilaafyada ka dhasha arrimaha dhulka, Aanooyinka qabiilada iyo khilaafyo siyaasiya.

Dhanka kale waxa golaha Wasiirradu aad ugu dheeraadeen sidii bulshada Somaliland ay ugu sinnaan lahayd Caddaaladna loogu samayn lahaa marka ay timaaddo shqo dawladeed iyo dhammaanba fursadaha kale ee dalka ka jira.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhankiisa wuxuu wasiirrada ku adkeeyey in lagama maarmaan ay tahay xoojinta shaqada qaranka loo hayo, waqti dheeraadana la galiyo shaqada.

Waxaana gebegebadii shirka ka soo baxay qodobbadan.

1. In guddida nabad galyadu soo sameeyaan qorshe sal-ballaadhan oo lagu dhamaystirayo talooyinka ay soo jeediyeen, si loo xakameeyo dagaallada soo noqnoda ee beelaha
2. In hablaha Somaliland ay mudan yihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira, sidaa awgeedna in mas’uuliyiinta wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladdu ay hablaha fursad u siiyaan shaqo kasta oo ay qaban karaan.
3. In hay’adda shaqaalaha dawladdu marka ay qaadayso imtixaanka shaqada lagu galayo ay hablaha u samayso nidaam gaar ah oo u sahlaya inay qayb ka noqdaan shaqaalaha dawladda, iyadoo la tixgelinayo sharciga shaqaalaha dawladda
4. In beelaha gabooye ay xaq u leeyihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka heerkastaba, sidaa awgeed waxa mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan la farayaa inay ka qaybgeliyaan shaqada heer qaran, heer gobol iyo heer degmo-ba.
5. Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay inay waajib tahay in la hirgaliyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan, si loo xoojiyo nidaamka dawladnimada.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post