X
    Categories: Warar

Go’aamo Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Saamayna Hay’addaha Qaramada Midoobay Ee Ka Hawlgala Dalka

Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland 12 Oct 2019


Hargeysa(ANN)-Fadhigii 51-aad ee golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana uu ku weheliyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay shirka kadib Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Networ, waxa lagu yidhi, ” Golaha wasiiradu waxay dood dheer ka dib ansixiyeen siyaasadda qaran ee maalgashiga, sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga, waxaana golaha sharaxaad ka siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo garyaqaanka guud ee qaranka.

Dhinaca kale, waxa golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxay mar kale ku celilyeen go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland ee xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka caalamka iyo Hay’adduhu inuu yahay in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’addaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhammaan qoraalada (Documents) mashaariicaha ay Hay’adduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reebban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post