X

General Galaal Oo Ku Dhintay Weerarka Al-shabaab Ee Muqdisho Iyo Xukuumadda Federaalka Oo Ka Hadashay

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-General Maxamed Nuur Galaal ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa dadka kooxda Al-shabaab ku dishay weerarkii iyo qaraxii maanta ka dhacay Huteelka Afrika ee Magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa xaqiijisay dhimashada General Galaal, waxayna dhanbaal tacsi ajh oo xalay xilli danbe soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network. ku tidhi sidan”-

AKHRI: Al Shabaab Oo Qarax Iyo Weerar Wada Socda Ku Waajahday Huteel Ka Mid Ah Kuwa Ugu Waaweyn Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho ee uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegayay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku xasuusan doonaan General Galaal kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD.

“Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo”.

Eng. Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee maalin kasta laynaya haldoorka dadka Soomaaliyeed, una diiddan nabadda iyo horumarka.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post