X
    Categories: Warar

“Geelu Reer Reer Isguma Keen Jiro Oo Xisbiga Kulmiyaa Lagu Yaqaanaa Qabyaalada Ee Inaga Qarankaa Geelu Isugu Keen Jiraa” Hogaamiye Xirsi

Araweelo News Network


Berlin(ANN)- Wafti labaadhan oo uu hogaaminayo Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo socdaal ku marayey Qaarada Yurub ayaa gaadhay Wadanka Jarmalka iyadoo halkaasi si heer sare ah loogu soo dhaweeyey waftiga , Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo kamida Waftiga uu hogaaminayo Gudoomiye Cirro ayaa khudbad ka jeediyey Xaflad ay soo agaasimeen Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Wadanka Jarmalka.

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Astaanta Xisbiga Waddani ay tahay qaranimada Somalialnd iyo wada jirka dadka, sidoo kalena waxa uu xusay in in Xisbiga Kulmiye ay wakhtigan astaan u tahay qabyaaladu oo kulmiye iyo xulafadiisa isgu jiraan geelu halka Xisbiga Waddani uu geelu isugu jiro qaranka , waxaana uu bulshada usoo jeediyey in qaranimada la wada ilaaliyo qarankana meel looga soo wada jeesto.

Hogaamiyaha oo xafladaasi ka hadlay waxa hadaladiisii ka mid ahaa ” Inaad Xal u aragtaan qarankeenii inuu ku badbaadayo Waddani waa taan anaba hore u aragnay , Geeluna reer reer isguma keen jiro oo Xisbiga Kulmiyaa lagu yaqaanaa Qabyaalada inaga qarankaa geelu isugu keen jiraa, inaga calaamadeenu waa qaranka qarankoo wax isku darsada qarankoo wax wada leh qarankoo isku dana kaasaynu doonaynaa, dooni mayno inaynu inagu laba laba geela isugu darsano”

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hoosta ka xariiqay inaanay suuro gal ahayn in qaran lagu dhiso qabyaalad markale wuxuu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata “ Qaran kuma unkamo oo kuma dhismo kuma dhaqaaqo oo kuma dhaqaaloobo hadii laba laba wax laysugu darsado, Waxaynu leenahay aynu qarankoo dhan wax isugu darno isku dan ka dhigno isku duubno midnimadooda ka shaqayno meelna uga soo wada jeedno” ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Xafladaasi ka hadlayey.

Socdaalkan Waftiga Xisbiga Waddani ku marayaan Qaarada Yurub ayaa ah socdaal ay kula kulmayaan Masuuliyiinta iyo Madaxda Wadamadaasi Reer Yurub halka ay sidoo kalena soo dhaweyn aan loo kala hadhin mucaarid iyo muxaafidba ay kala kulmeen Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool Wadamada Yurub kuna soo dhaweeyeen Xaflado iyo munaasibo meeqaamkeedu aad u sareeyo Wafiga uu hogaamiye Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post