X
    Categories: Warar

Gebilay Oo Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Wefti Uu Hogaaminaayay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Araweelo News Network

 

soo dhowaynta gebilay

Gabiley()ANN)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminaayo,  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay gobolka Gebilay, soo dhaweynta Madaxweyne ku-xigeenka oo kulmisay kumanaan shacabka ayaa si weyn waxa ay taageero ugu muujinayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Eng: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cabdilaahi Saylici iyo Musharaxa xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

muuqaalka soo dhowaynta gebilay

Mawjado dad ayaa weftiga Madaxweyne ku-xigeenka kusoo dhaweeyay degmooyinka kala-baydh iyo gebilay halkaasi oo ay weftigu khudbado miisaan culus leh uga jeediyeen shacabka Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Eng: Xuseen Aadan Cige Deyr oo khudbad dheer u jeediyay shacabka reer gebilaya. ayaa uga mahad naqay soo dhaweynta qiimaha leh ee ay ku maamuseen weftiga madaxweyne ku-xigeenka.

soo dhowaynta gebilay

Guddomiyaha ahna Musharaxa xisbiga KULMIYE Muj: Muuse biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyay dadweynaha ku dhaqan deegaanada kalabaydh iyo gebilay taageerada xoogan ee ay xisbigiisa u muujiyeen waxaanu kula dardaarmay musharaxu inay codkoodana muujiyaan 13 November “Walaalayaal wxaan aad iyo aad idiinkaga mahad celinayaa soo dhaweynta qiimaha leh ee aad nagu maamuusteen codkiinuna sidaa uu maanta yahay waa inuu ka dhex muuqdaa doorashada 13 November “ayuu yidhi Musharaxa KULMIYE .

muuqaal soo dhowaynta

Madaxweyne ku-xigeenka JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo isna khudbad dheer u jeediyay shacabka deegaanadaas ayaa uga mahad celiyay sida qiiradu ku jirto ee ay usoo dhaweeyeen isagoo madaxweyne ku-xigeenkuna ku dhiiri geliyay ilaalinta amniga iyo xasiloonida “Waxaan halkan aad iyo aad uga mahad celinayaa dadweynaha ku dhaqan degmooyinka kala-baydh iyo gebilay, taageeradaas waan idinka guddoonay maanta waxaan xasuustay waagii uu KULMIYE mucaaridka ahaa aad baan ugu faraxsanahay”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka JSL Eng: Saylici.​

 

soo dhowaynta gebilay

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post