X
    Categories: Warar

Garyaqaanka Guud Oo Ka Hadalay Dhawaaqa Ururka Qareenada Ku Tilmaamaeen Magcaabista Guddida Culimada Mid Khilaafsan Dastuurka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Garyaqaanka guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdisamad Cumar Maal oo la hadlay saxaafadda ayaa yidhi “Hadalkaygu wuxuu daaran yahay in aan ka jawaabo hadal uu warbaahinta ku qoray guddoomiyaha ururka qareenada oo uu kaga hadlayay guddida culimada oo uu sheegay in qaabka loo maamulay ay tahay qaab sharci daro ah oo aan dastuurka waafaqsanayn.

Marka ugu horaysa waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanay jirin haba yaraatee wax guddi ah oo uu madaxwaynuhu magacaabay, madaxwaynuhu waxa uu magacaabaa waxay ku soo baxaan faafin khaasa anaa ah gar-yaqaankii guud ee qaranka , anaa ka masuula faafinta rasmiga ah, guddi madaxwaynuhu magacaabay haba yaraatee ma jiraan, guddi la magaacabay oo aanay saxaafaddu ogayna ma jirto madaxwaynuhu waxa uu sameeyay guddi usoo xusha culimada una gudbisa golaha guurtida sida uu dhigaayo qodobka 119 ee dastuurku waxa uu odhanayaa guddida culimada waxa xulaya xubno ka kooban xukuumadda iyo golaha guurtida oo tiro isleeg ah.

Golaha guurtida ayaana iska leh ansixinta madaxwaynuhu waxa uu xulay xubno ka kooban laba wasiir iyo laba xildhibaan isagoo raacaya qodobka 119 ee dastuurka Jamhuuriyadda somaliland, madaxwaynuhu cida uu magacaabaa waa cid kusoo baxda saxaafada madaxtooyada wax qarsoona maaha”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post