X
    Categories: Warar

Garsoore Laalay Go’aanka Madaxweyne Trump Xayiraada Ku Saaray Qoxootiga Todoba Dal Oo Muslin Ah

Araweelo News Network

Judge James Robart


Washington(ANN)-Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federaalka Maraykanka ayaa hor istaagay go’aanka Madaxweyne Donald Trump ku joojiyay dadka u dhashay Todobada dal oo Muslin ah inay galaan dalka Maraykanka.

Garsoore James Robart, oo jooga Seattle Washington, wuxuu gaashaanka ku dhiftay oo is hortaagay Qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, isla markaana kiiska xagga sharciga laga eegayo oo la dhagaysanayo.
“Garsooraha ayaa su’aalo geliyay isticmaalka Maamulka Trump ee September 11, 2001 qaraxyaddii Maraykanka sidan oo kale marmarsiiyo xayiraadda loo saaray safarka. Sidaa awgeed aanay jirin waqtigan weerar lagu soo qaaday ciidda America oo shakhsiyaad kasoo jeeda toddoba dal oo ay ganaax ku saameeyeen” ayuu yidhi, James, wuxuuna taageeray dadka ka mudaharaadaya go’aankaa.
Garsoore Robart, wuxuu go’aankaa ku dhawaaqay kaddib markii ka wada hadleen arrintaa Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Attorney General Bob Ferguson.
Dhinaca kale Af-hayeen hadlay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International oo lagu magaacno Eric Ferrero, ayaa ku baaqay Kongareska Maraykanka inay hor istaagan oo la joojiyo go’aanka lagu xayirayo dadka kasoo jeeda Todobada dal ee Madaxweyne Trump kusoo rogay xayiraada.
Sidoo kale Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay inay racfaan degdeg ah ka qaadan doonto xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday Maamulka Trump.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loogala noqday dadkii la siiyay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxeexay amar Madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa caqabado xooggan kala kulmaya inta badan waaxaha kala duwan ee Hay’addaha garoorka Dalka.

Todobaadkii hore, waxaa ayay xilkeedii ku wayday wasiiraddii Cadaaladda Maraykanka. Kaddib markii ay kasoo horjeesatay go’aanka Trump, iyadoo xilka qaadis lagu sameeyay.
Dhinaca kale malaayiin qof ayaa dibad baxyo ka wada magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka waxayna kasoo horjeedaan go’aamada Madaxweyne Trump ku dhawaaqay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post