X
    Categories: Warar

Garoowe: Qarax Lala Beegsaday Shaqaalaha Qaramada Midoobay, Maydadka Iyo Dhaawaca Oo Loo Duuliyay Nairobi Kaddib Ergayga Arrimaha Somalia Ku Tegey Halkaa

Garoowe(ANN)Masuuliyiinta Maamul goboleedka Puntland ee Somalia, ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax ay ku nafwaayeen ugu yaraan toddoba qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka baddan oo saaka ka dhacay magaalada Garoowe.
Qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur bas ah oo ay saarnaayeen shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku sii jeeday goobta shaqada.

War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay in afar ka tirsan dadka dhintay ay hay’adda ay u shaqaynayeen. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in la tuhnsan yahay in uu sababay qof isa-soo miidaamiyay oo baabuurka isku qarxiyay, iyadoo mayd aan weli la aqoonsan la dhigay qolka Maydka ee Cusbitaalka Garoowe, kaas oo qayb ka mid ah jidhkiisa la hayo, isla markaana aan la garanayn meesha uu ka yimi.

​Qaraxa ayaa dhacay saaka xili hore abaarihii 8-da subaxnino, wax yar kadib markii shaqaaluhu ay ka baxeen dhisme ay ka degganaaayeen magaalada, iyagoo usii jeeday xarunta qaramada midoobay ee xafiisyada ay ka hawlgalaan, waxaana qaraxaa sheegtay Al-shabaab sida lagu baahiyay shebekadaha warbaahinta ee taageera Al-shabaab.

Dhinaca kale Taliyaha Booliska Nugaal Axmed Cabdullaahi Samatar, ayaa sheegay in 7 qof oo ku dhintay qaraxa 5 ka mid ah ay u shaqaynayeen qaramada midoobay, 2 askarta ilaalada oo Soomali ah iyo qof todobaad oo sida uu sheegay ahaa kii qaraxa sababay, waxaana dalalka ay u kala dhasheen dadka dhintay ee ajaanibka lagu sheegay, Kenya, Uganda, Ghana, USA iyo Afghanistan.

Taliyaha Booliska, ayaa intaa ku daray in qaraxaa oo sababay Dhaawaca 7 qof oo 5 ka mid ah yihiin ajaanib, kuwaas oo ay ku jirto Marrian Clark oo ahayd madaxii Unicef ee Puntland.. halka laba kale oo dhaawac ah ay yihiin Soomaali, balse saraakiisha Cusbitaalka, ayaa dhinacooda sheegay in dadka dhaawaca ah iyo maydadka shaqaalaha qaramada midoobay loo qaaday dhinaca Nairobi, kuwaas oo u kala dhashay Searlonie, Uganda, Kenya iyo USA.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay iyo ku xigeenka arrimaha bini’aadanimada Philippe lazzarani, ayaa gaadhay markii qaraxu dhacay kaddib magaalada Garoowe si ay u qiimeeyaan xaalada dhinaca amaanka, isla markaana dhaawaca iyo maydadka loogu qaado dhinaca Nairobi.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post