> Magaalada Oo Dadku Ka Qaxeen Guryahaooda iyo Hay’addaha Oo Ka Baxaya
> Heshiiskii Cabdullaahi Yuusuf Iyo Gen. Cadda Muuse Ee Biqor Buurmadaw Gadhwadeenka Ka Ahaa
Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Garoowe(ANN)-Xaalladda Khilaafka doorashooyinka lagu muransanyahay ee doorashooyinka maamulka Puntland ee Soomaaliya, ayaa gilgilay amniga Magaalada Garoowe.
Arrinta sababtay in shacabka Magaalada Garoowe bilaabaan cabsi weyn, iyagoo ka qaxaya guryahooda, taas oo ayaa sheegaya in dadka magaaladu ay bilaabeen inay qaxaan, iyagoo ka cabsi qaba dagaal magaalada ka qarxa oo dhiig baddan ku daato, kaas oo u dhexeeya Maleeshiyaadka Mucaaradka iyo maamulka Puntland oo murrankooda doorashooyinku sii jiitamayay sannad iyo dheeraad, iyadoo aannu muuqan xal heshiis lagu yahay oo dhinacyadu isla qaateen doorashooyinka loo qorsheeyay 2024, kuwaas oo xuddunta ugu weyn ee khilaafka dhinacyadu yahay qaabka loo gelayo.
Maamulka Madaxweyne Siciid Deni, ayaa doonaya in doorashada Madaxtooyada iyo Gollaha Wakiillada oo ka kooban 66 mudane ay ku dhacdo mid dadku codkooda ku soo doortaan wakiiladooda, sida uu marar baddan sheegay.
Hase yeeshee Afhayeenka Dallada Mucaaradka Cabdirixmaan Dhoore oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in maamulka dowladda xilligan jirta ee Madaxweyne Deni aannay haysan waqti ku filan oo ay ku qabato doorasho qof iyo cod ah, sidaa awgeed doorashada lagu galo sidii ay hore ugu soo dooran jirtay gollayaasha iyo Madaxweynaha.
Labada dhinac ayaa hore isugu dhacay xilligii ay socotay diiwaangelinta, iyadoo Garoowe iyo deegaamo kale oo muhiim ah ay diideen mucaaradku in laga sameeyo diiwaangelinta, waxayna arrintaas keentay dagaal khasaare dhaliyay, balse xilligan mucaaradku waxay soo saareen jadwal doorasho, iyagoo si badheedh ah u sheegay innay doorasho u gaara qabsanayaan.
Maamulka Madaxweyne Deni ayay ku eeddeeyeen mucaaradku mid qaynuunka baal marsan, wallow markaa kaddib Madaxweyne Deni oo ka hadlay Garoowe sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo mucaaradka, laakiin dhawaaqiisa mar kale uu si cad ugu celiyay mawqifkiisa in doorashadu noqonayso mid hanaanka xisbiyadda lagu galayo.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhinacyda ugu baaqday innay xalka keliya ee mushkilada murranka iyo khilaafka lagaga badbaadi karo dagaal innay tahay in dhinacyadu wada hadlaan si xal looga gaadho murranka.
Xiisadda ayaa sii xumaanay, isla markaana shacabka ayaa ka qaxaya Magaalada, iyadoo shaqaalaha ka jooga Hay’addaha gargaarku ay ka baxayaan Garoowe.
Dhankooda Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay xarrunta Xallane ee Villa Somalia, ayaa kulamo la qaatay madaxda dowladda iyo daladda ay ku midaysan yihiin mucaaradka, waxayna ka dalbadeen in kala aragti duwanaansha doorashada lagu xaliyo wada hadal.
“Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu tosho shaadh isaga leeg oo doorasho”, sidaa waxa yidhi, Xasan Shire Abgaal oo ka mida mucaaradka, iyadoo Mucaaradku ku doodayaan in Madaxweyne Deni isku qarinayo ciirro, isagoo doonaya mudo korodhsi, balse uu ku gabanyo inuu qabanayo doorasho hal qof iyo hal cod, taas oo ay ku doodayaan in aannay marnaba suurtagal ahayn xilligan.
‘’Isimaddu waa innay soo dhex galaan xiisada ka taagan Puntland,Siciid Deni doorasho ma doonayo ee muddo korodhsi sharci dara ah ayuu wadaa mana ka yeelayno” ayuu yidhi, Xasan Shire.
‘’ Waxaan u socono waa innay dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo si nabada ku dhacda, taas ayaa dan u ah Puntland” sidaa waxa yidhi, Ahmed Ciise Cawad oo ka mida Daladda mucaaradka Puntland.
Bayaan saxaafadeed ay wadajir usoo saareen dallada mucaaradku todobaadkii hore, ayaa si weyn ugu dhaliilyay Maamulka Garoowe ee Madaxweyne Deni in aannay ka dhab ahayn in doorashadu dhacdo waqtigeedii oo ku beegan 8-da janweury 2024.
Mucaaradka Puntland Oo Saadaaliyay In Khilaafka Xilligan Uu Sababi Karo Dagaal hore uga dhacay Deegaanka 2001.
Mucaaradka, ayaa bayaankooda ku sheegay in Puntland ay gashay khilaaf sababaya xaallad dagaal sidii dhacday 22 sannadood kaddib, iyagoo tusaale usoo qaatay sidii dhacday sanadkii 2001, kaddib markii khilaaf ka dhashay cidda xukumaysa maamul goboleedka Puntland oo muddo soo jiitamay uu sababay dagaal dhiig baddan ku daatay, isla markaana ay ku barakaceen kumanaan qoys.
Mucaaradka ayaa sheegay in xilligaa khilaafku dhexmaray Cabdilaahi Yuusuf Ahmed oo Madaxweyne ka ahaa Puntland, isagoo ka horyimid qorshe Odoyaal dhaqan iyo ergooyin ku doorteen Jaamac Cali Jaamac inuu noqdo Madaxweynaha maamulka.
Khilaafka xilligaa ee gaadhay dagaalka ayaa yimi, kaddib makii Cabdilaahi Yuusuf oo Maleeshiyadiisu ku sugnayd Garoowe oo ahayd halka uu ku sugnaa Jaamac Cali Jaamac ku qaaday dagaal markii danbe meesha ka saaray Jaamac iyo maamulkiisa kaas oo ku sii fiday deegaamada Puntland, isla markaana sababay in Gen Maxamuud Muuse Cadde oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee Dowladii kacaanka soo galay, isagoo dagaal dhiig baddan ku daatay la galay Col. Cabdullaahi Yuusuf, kaas oo sababay in aakhirkii Gen Maxamuud Muuse oo kasoo jeeda qoyska Boqortooyada ay u cararaan dhanka Somaliland, iyagoo u qaxay deegaanka Ceel Afweyn oo ay magan ugu noqdeen Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw deegaanka ah.
Hase yeeshee, Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo kaashanaya dhawr ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ayaa yeeshay doorkii ugu weynaa daminta dagaalka iyo in labada dhinac la isugu keeno miiska wada hadalka.
Puntland ayaa sanadkii 2001-dkii gashay xaalad dagaal kadib markii khilaaf ka dhashay cidda xukumeysa maamulka. Dagaalkaas ayaa bilooyin socday kaas oo sababay tiro dhimasho, dhaawac iyo barakac xoog leh.
Dagaalka ayaa kasoo bilaabmay Cabdullaahi Yuusuf Ahmed oo xiligaas Madaxweyne ka ahaa Puntland oo ka horyimi qorshe Odoyaal dhaqan iyo ergooyin ku doorteen Jaamac Cali Jaamac inuu noqdo Madaxweynaha maamulka.
Ciidamo uu watay Cabdullaahi Yuusuf ayaa Garoowe oo ahayd halka uu ku sugnaa Jaamac Cali Jaamac ku qaaday dagaal markii danbe meesha ka saaray Jaamac iyo maamulkiisa kaas oo ku sii fiday deegaano hor leh.
Gen. Maxamuud Muuse Cadde oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee Dowladii kacaanka ayaa door ku yeeshay dagaal labaad oo ka qarxay gobolka Bari ee Boosaaso, kaas oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca deeganada Puntland taariikhda casriga ah.
Doorkii Nabadda Ee Boqor Buurmadaw 2001
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa hormood u ahaa daminta collaada xilliga, isagoo kaashanaya dhawr ka mid ahaa isimadii ku gacan siiyay sidii loo soo afjari lahaa colaada, sida ay xilligaa dabaceen warbaahinta Caalamiga ah ee ay BBC-du ka mid ahayd iyo warbaahinta Somaliland oo xilligaa ay ka jireen Wargeysyo door weyn ku lahaa warbaahinta geyiga Soomaalida iyo guud ahaan Caalamka.
Boqor Cismaan Buurmadaw, ayaa labada dhinac ee madaxweynayaashii hore ee Puntland Cadde Muuse iyo Cabdullaahi Yuusuf oo isugu keenay miiska wada hadalada, taas oo noqotay arrin soo jidatay indhaha Caalamka iyo kuwa gobolka, isla markaana layaab ku noqotay sida ay ugu suurta gashay, maadaama ay ku guulsaraysteen hay’addo Caalami ah oo qaarkood ka socdeen Swedan iyo dalalka reer galbeedka iyo kuwa qaramada Midoobay, ama gobolka innay xal u helaan daminta collaada ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Gen. Cadde Muuse Boqor.
Idaacadda BBC-da ayaa markaa kaddib waraysi arrintaa ku saabsan la yeelatay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw, wuxuuna waraysigaa BBC-da ku xusay in si gaara uu xooga u saaray in xiisadaa la damiyo laguna dhameeyo nabad.
“ Aqoon aan u lahaa Cabdullaahi Yuusuf iyo Gen. Cadde Muuse ayaa igu xambaartay inaan kaalin Odaynimo galo, si dagaalka loo joojiyo,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow oo waraysiga BBC-da ee xilligaa kaga jawaabaya su’aalo laga weydiiyay sida ay arrintu ugu suurtagashay.
“Anniga Suldaan Siciid, Suldaan Cabdisalaan iyo Ugaas Yaasiin Ugaas Xasan ayaan la kaashday aakhirkiina Allah waa nagu guuleeyay nabadaa”.
Heshiiska dhinacyda ayuu sheegay inuu ku bilowday khadka Taleefanka oo ku wada hadal siiyay labada dhinac ka hor intii aannu miiska isugu keenin, balse wuxuu tilmamaay inuu tudhaale ka muuqday labada ninba (Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse Boqor) si colaadaas loo damiyo.
Khilaafka Xilligan ee Puntland Iyo Aragtida Boqor Cusaam Buurmadaw
Sidoo kale, Idaacadda BBC-da ayaa sheegtay in Boqor Cisman Aw Maxamuud khilaafka dhinacyada Puntland ee xilligan ee ay ku kala aragti duwan yihiin Siyaasadda Puntland innay miiska ku dhameeyaan oo wada hadladaan.
“Waxaan leeyahay isimadda waa innay doorkooda qaataan oo aannay cidna raacin xaalladdan adag. waa la hadlay Madaxweyne Deni iyo raga mucaaradka waxaana ugu Baaqay innay isu tanaasulaan” ayuu hadalkiisa raaciyay, sida ay sheegtay BBC-da oo xaalladda xilligan ee khilaafka Puntland wax ka weydiisay, maadaama khilaafku ku socdo jidkii sababay dagaalka ka qarxay deegaanka 22 sannadood kaddib oo ku beegan sannadkii 2001.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com