X
    Categories: Warar

Garoonka Muqdisho Oo Laga Dejiyay Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Xukuumaddu Kasoo Qaadday Liibiya

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN) Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Gulleed (Khadar) ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey dad tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo qaaday dalka Liibiya, halkaasi oo ay muddo ku xannibnaayeen.

Dadka ayaa ahaa kuwo. iskood u go’aansaday in ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan kaddib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen kooxaha dadka ka ganacsada ee loo yaqaan “Magafayaasha”.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal badan ku bixinayso sidii ay u soo badbaadin lahayd muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibadiisa, isla markaasna horay dalka loogu soo celiyey maxaabiis laga soo qaaday dalal dhawr ah oo ay muddo sanooyin ah ku xidhnaayeen.

Mudane Khadar ayaa sidoo kale xusay in Xukuumaddu ay sii wadayso dadaalada ay ugu jirto badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalalka caalamka, isagoo hadlayana wuxuu Yidhi, “Aad baan runtii ugu faraxsanahay inaan Garoonka diayaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyo dad Soomaaliyeed oo iskood u go’aansaday inay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan, iyagoo ka tanaasulay tahriibka”

“Xukuumadda Federalka Soomaaliya, wax dadaal ah lama hadhi doonto sidii ay u soo badbaadin lahayd muwaadiniinta ku dhibaataysan dalalka caalamka. Waxaa jira dadka kale oo Soomaaliyeed oo laga soo qaadi doono dalka Liibya.”

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaliya ayaa tilmaamay in dhillinyaradan ay billow u yihiin kooxo kale oo ku sugan dalka Liibiya, kuwaas oo dalkooda dib loogu soo celin doono. Xukuumadduna waxay diyaarinaysaa sida ugu haboon uguna dhaksiyaha badan ee lagu soo qaadi lahaa shacabka ku dhibaataysan Liibiya.

DHAMMAAD

Cabdirishiid Muuse
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post