X

“Garaadada Waxaan Leeyahay Furaha Collaada Iyo Furaha Nabadu Yaanu Iskaga Kiin Khaldamin” Siyaasiga Maxamuud Xaashi

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Oo Garaadada Sool U Diray Farriimo Garnaqsi Iyo Hogga-tusaalayn Taariikhi Ah

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo xilligan hoggaamiya Urur Siyaasadeedka KAAH oo miisaan siyaasadeed ku leh saaxada siyaasadda Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda xilligan ee Garaadada Sool iyo wixii dhacay markii ay Ciidamada Somaliland kasoo baxeen Saldhiga Bariga Laascaanood ee Gooja-cadde, halkaas oo dagaal khasaare baddan geystay ku qabsaday guutooyinka qaarkood Jimcihii 25 August 2023.

Guddoomiye Maxamuud Xaashi, wuxuu ka hadlay mashaqooyin dhacay maalinta oo aan wanaagsanayn, kuwaas oo ahaa kuwo aan laga filayn Garaadada Sool, isagoo taas barbar dhigay xilliyo hore oo collaadu ku baahday geyiga Soomaalida iyo taariikho hore oo xidhiidh la leh dagaalo dadka walaaallaha ah ee Ood iyo Ab-wadaagta ah saameeyay, kuwaas oo sida uu sheegay aan laga tegin gobonimada iyo bini’aadanimada.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in maadaama uu isagu marar baddan ka hadlay arrinta ka taagnayd gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood, isla matkaana ku baaqayay in xal nabadeed loo maro khilaafka si looga baaqsado collaad iyo dagaalo lagu riiqdo oo aannay cidna dani ugu jirin, isagoo xusay in xataa xilli aannay arrintu gaadhin halka ay gaadhay maanta bilawgii mushkilada collaada mar Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu yeedhay si uu tallo uga weydiiyo arrintaa si badheedh ah ugu gudbiyeen tallooyinkii uu aaminsanaa oo ahaa kuwo nabadeed iyo in aan xalka Laascaanood ahayn Cuddud Ciidan iyo qori caaradii, sidaa awgeed kula taliyay Madaxweynaha Somaliland in ciidanka laga soo saaro kadibna la furo wadahadal, balse aannu Madaxweyne Biixi dheg-jalaq u siin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in mar ay la kulmeen Ururada Siyaasaddu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi isku deyay inuu Madaxweynaha ku qanciyo xal nabadeed oo aan ahayn dagaal, taas oo sida uu xusay masuuliyiinta Ururada Siyaasadda ee ay la wada kulmeen Madaxweynaha, isagoo u bandhigay innay ku taageeraan mawqifkiisa, balse nasiibdaro ay ku kala qaybsameen markii ay arrintaa Madaxweynaha kala hadleen, taasina ay xagal-daacisay qorsha nabadeed ee uu aaminsanaa.

Maxamuud Xaashi, wuxuu sheegay in maadaama uu intii arrimahan dhacayeen ku dhaliilayay Madaxweynihiisa Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa, balse ay lagama maarmaan noqotay inuu dhinaca kale la hadlo, isagoo ka hadlay dhacdooyin baddan oo u baahan innay xusuustaan Garaadada Sool iyo shacbiga Laascaanood si aannay ugu asqoobin guusha ay is tuseen.

“Maanta furrayaasha Nabada iyo collaadu waxay yaalaan Laascaanood, Garoowe, iyo Gaalkacayo, maanta maaha maalintii guuta koobaad ka talin lahayd ee yaanay iskagakiin khaldamin” ayuu yidhi, Maxamuud Xaashi.

Muuqaalkan ka Daawo Khudbada uu kaga hadlay arrimo baddan oo dhacdooyin taariikhi ah.


Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post