X
    Categories: Warar

Ganacsatada Somaliland Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Baaqyo Kala Duwan Hawada u Mariyey Bulshada iyo Xisbiyada

Araweeelo News  Network

Hargeysa(ANNh-Komishanka Qaranka, Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa baaqyo kala duwan oo la xidhiidha doorashada Madaxtooyada hawada u mariyey bulshada iyo xisbiyada qaranka.

Sida lagu sheegay qoraal lagu baabiyey website-ka Guddida Doorashooyinka, xubnaha Komishanka ayaa kulan ay la qaateen masuuliyiinta sare ee Rugta Ganacsiga Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee ganacsatada waaweyn ee dalka , waxa lagaga wadahadlay sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta xasiloonida dalka Somaliland.

“Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku gudo jira hawlihii u diyaargarawga doorashada u muddaysan 13/11/17-ka, ayaa maanta (shalay) oo Ax24/09/17 kulan ballaadhan la qaatay Rugta Ganacsiga Somaliland iyo xubno masuuliyiin iyo mulkiilayaal ah oo ka kala socday qaybaha ganacsatada waaween ee Somaliland. Kulankan oo ahaa kii kowaad ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku abid la yeesho ganacsatada, isla markaana warbixin iyo is xog-warreysiba la wadaago ganacsatada Somaliland.

Kulankan oo ay u dhammaayeen dhammaan toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka waxa ku wehelinayey madaxa hawl-galinta Siciid Cismaan iyo madaxa saxaafadda iyo xidhiidhka bulshada Siciid Sheekeeye.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka.

Kulankan oo uu furay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, waxa uu warbixin kooban ka siiyay hawlaha Guddidooda iyo halka ay marayaan diyaargarawga hawlaha doorashadu, sidoo kalana soo dhaweeyey xubnahan sarsare ee ka soo qaybgalay kulanka.

Madaxa hawlgalinta (operation manager) Mr. Siciid Cismaan, ayaa isna halkaas ka jeediyey warbixin tifaftiran oo la xidhiidha diiwaangalintii codbixiyeyaasha, kaadh-qaybintii codbixinta iyo u diyaar garawga doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mr. Maxamed Shukri oo hadal kooban ka jeediyey kulanka, ayaa Komishanka Doorashooyinka ku ammaanay sida ay u xasuusteen inay bahda ganacsatada ka qaybgeliyaan talo iyo tusaalaba doorashada, hawshaas oo uu ku tilmaamay horumar iyo wada shaqeyn loo baahnaa.

Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Mr. Maxamed Siciid Ducaale oo ku hadlay afka ganacsatada, ayaa isna hadalo isugu jira duco iyo dardaaran ka jeediyey kulankaas, waxaannu ku ammaanay Komishanka Doorashooyinka Qaranka sida ay u wadaan hawsha ay qaranka u hayaan, isagoo u ballanqaaday in ganacsatadu barbartaagan yihiin Komishanka Doorashooyinka.

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha Dahabshiil caddeeyey in dhammaan ganacsatadu daneenayaan nabadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aanay marnaba u dul-qaadan doonin cid dhib iyo qas ku abuurta dalka Somaliland.

Dhammaadkii kulankaas, Komishanka Doorashooyinka, Rugta Ganacsiga iyo bahda ganacsatadu waxa ay si wada jir ah bulshada reer Somaliland ugu baaqeen in la ilaaliyo ammaanka dalka, sida ugu quruxda badan, uguna wanaagsana loo galo doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah, lagana fogaado wax kasta oo waxyeelaya amniga iyo xasiloonida Somaliland.

Dhinacyada ka qaybgalay kulankaas, ayaa sidoo kale ugu baaqay saddexda xisbi qaran inay ilaaliyaan anshaxa, si hufan oo waddaniyad ku dheehan tahayna ugu diyaargaroobaan doorashada Madaxtooyada ee 2017.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post