X
    Categories: Warar

Ganacsatada Huteelada Waaweyn Ee Caasimada Oo Khaatiyaan Ka Taagan Caruuro Ku Xoogsada Rabshaddaha

Hargeysa (ANN) Dadka gànacsatada àh ee leh Huteeladda Waaweyn ee ku yaal caasimadda Hargeysa, ayaa khaàtiyaàn ka taagan kooxo dhàllinyàro rabshoolàyaal ah, kuwaas oo rabshado ka sameeya xiliyada xafladuhu ka socdaan hudheelada maalin iyo habeenba. Rabshadaha dhallinyaradu sameeyaan, ayaa sababa isku dhac dhexmara shaqaalaha iyo kooxaha rabshadaha ku xoogsada, iyadoo muddooyinkan u dambeeyey ay dhacdo in dhallinyarado xilli hadh cad ah falal nabadgelyo-darro kula kacaan hudheelada. Koox suxufiyiin ah oo booqday Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa oo ka mid ah goobaha ugu caansan ee xafladaha lagu qabsado, ayàa xog-ogaal u noqday falal nabadgelyo-darro iyo rabshado kooxo dhallinyaro ah ku hayaan hudheelka. Waxa kaloo suxufiyiintu la kulmeen in dhallinyaradaas rabashado ka sameeyeen albaabka weyn ee laga galo hudheelka, kuwaasoo isku qaybiyey laba kooxood oo khilaaf dhexmaray ilaalada hudheelka, kadibna sameeyey rabshado lagu khalkhalinayo ammaanka hudheelka Crown.

Mulkiilaha Hudheelka Crown oo aqoonsaday qaar ka mid ah dhallinyarada rabshadaha sameeyey oo ka soo jeeda guryaha jaarka la ah hudheelka, ayaa socod ku tagay Aqalka mid ka mid ah da’yarta rabshadaha dhigay si uu waalidkiis uga ashkateeyo dhibaatada lagu hayo hudheelkiisa. Hasayeeshee, waxa inta badan dhacda in qaar ka mid ah waalidiintu difaacaan carruurtooda cabashada laga muujiyo, kuwaasoo ku dooda in aanay wax lug ah ku lahayn rabshadaha lagu eedeeyo, iyadoo arrintaasina dhiirigelin ku beertu dhallinyarada rabshadaha sameeya.

Dhacdadan ayaa muujinaysa sidà ay kooxaha dhàllinyarada ah oo markii hore xiliyada habeenkii arbushi jiray xafladaha lagu qabto huteelada, isla markaana xaafadaha rabshàdo uga sameeya, iyagoo dadka ku baadha habeenkii ay xilligan ugu dhiiradeeen inay maalin cad rabshado iyo weeraro ku qaadaan goobaha ganacsiga, sida hudheelada waaweyn, kuwaàs oo u muuqda kuwo aan waxba iskaga tirinayn ciidammada Booliska, isla markaana aan wax cabsi ah ka qabin waalidintood.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post