Araweelo News Network

Muuqaalka magaalada Boosaaso

Muuqaalka magaalada Boosaaso

Boosaaso(ANN)Ganacsade caan ka ahaa deegaanka Boosaaso ee Maamulka Somalia ee Punt land, ayaa lagu khaarajiyay Badhtamaha magaalada Boosaaso. Kadib markii sida ay warar shebekada Araweelo News Network ka heshay dadka deegaaku sheegeen in dabalay hubaysan oo aan weli la aqoonsan kuwa ay yihiin la beegsadeen ganacsadahaa tacshiirado rasaas ah oo uu ku nawaayay.

Ganacsadaha la dilay oo magaciisu ahaa Xirsi Aadan, wuxuu ku magac dheeraa “Adduunyo”. Marxuumka ayaa dukaamo ganacsi iyo shirkado baayac mushtar gacanta ku hayay, waxaana weerrarkaa ka dhashay xiisad collaadeed oo khal-khal geliyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo muddooyinkan rabshaddo ka jireen suuqa ganacsiga ugu weyn ee Boosaaso. Sidoo kale wuxuu dilka gacansadahan kusoo beegmay, iyadoo laba maalmood ka hor rabshado ka dhacay magaalada Boosaaso sababeen dhimashada dhawr qof oo shacab ah, waxaana laga cabsi qabaa in dilka ganacsadaha la khaarajiyay sii xoojiyo rabshaddaha ka taagnaa magaalada Boosaaso.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409