X
    Categories: Warar

Gacan-yarihii iyo Ilaaliyihii Gaarka ahaa ee Osama Bin Laden oo Geeriyooday

Araweelo News Network

Cadan(ANN)Gacan-yarihii iyo Ilaaliyihii gaarka ahaa ee hoggaamihii la dilay ee shabakadda Al-qaacida Osama Bin Laden oo la odhan jiray Nasser al-Bahri, ayaa ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal dalka Yemen oo uu in muddo ah xannuun u jiifay, sidaana waxa shalay warbaahinta dalka Yemen iyo Wakaaladaha wararka qaarkood u sheegay hawlwadeenno ka tirsan waaxda caafimaadka dawladda Yemen .

Hawl-wadeennada caafimaadka ayaa sheegay in Nasser al-Bahri oo ahaa 40 jir Yemeni ah ku geeriyooday cusbitaalka magaalada Mukalah oo ku taal koonfurta dalka Yemen maalintii Sabtida ee toddbaadkan.

Nasser al-Bahri ayaa la rumaysan yahay inuu ku lug lahaa weerarro kooxo islaamiyiin ah ka fuliyeen dalalka Bosnia, Soomaaliya iyo Afghanistan sannadihii sagaashameedyadii, laakiin markii dambe ayuu iskii ugu hadhay afkaarta jihaad-doonka ee shabakadda Al-qaacida iyo hoggaamiyahoodii uu gacan-yaraha u ahaa ee Osama Bin Laden.

Sidoo kale, Al-Bahri oo loo yaqaannay Abu-jandal, waxa uu ahaa gacan-yarihii, darawalkii iyo ilaaliyihii gaarka ahaa ee Osama intii uu ku sugnaa Afghanistan.
Al-Bahri waxa xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanka laga sii daayey sannadkii 2008, waxana dib loogu celiyey dalkiisa Yemen oo uu ku noolaa tan iyo intii aannu geeriyoon maalintii Sabtida ee todobaadkan.

Hoggaamiyihii iyo aasaasihii shabakadda Al-qaacida, Osama Bin Laden ayaa ciidammada gaarka u tababaran ee Maraykanku ku dileen dalka Pakistan, kaddib markii la weerar lagu qaaday guri uu ka deggenaa magaalada Abbottabad bishii May ee sannadkii 2011.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post