X

Gabadh Suxufiyad Ah Iyo Hooyadeed Oo Boolisku Si Waxashnimo Ah U Garaacee,  UCID Oo Ka Damqaday Iyo Jawaabta Booliska

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)#Hoodo@Garays oo ah gabadh suxufiyad ah oo ka hawlgasha Warbaahinta Somaliland iyo Hooyadeed, ayaa sheegay in si waxashnimo ah loogu garaacay saldhiga Booliska Qudhac-dheer ee Magaalada Hargeysa.

Weriye Hoodo Garays iyo Hooyadeed Suleekha Cabdullaahi oo warbaahinta ka muujiyay dhaawacyo la gaadhsiiyey.oo ka muuqda jidhkoodaa.

Hoodo iyo Hooyadeed ayaa sheegay in sababta ay Saldhiga u tageen, waxay ku sheegtay  si ay dhaawac muujin uaga soo qaadaan gabadh dhibane ahayd.

Balse ay la kulmeen garaacista iyo xadhiga, iyadoo Hoodo sheegay in Hooyadeed ay dhawr maalmood ka hor kasoo saartay Cusbitaalka oo ay ahayd qof bukaan ah.

Arrintan oo si weyn Bulshada u gelisay argagax, waxa si adag uga hadlay Xisbiga Mucaaradka ee UCID, waxayna ku tilmaameen dhacdadaa mid foolxun oo bar madaw ku ah Booliska Somaliland.

Masuuliyiinta UCID, oo waraabhinta kula hadlay maanta magaalada Hargeysa, ayaa muujinay sida ay uga xun yihiin falkaa, waxayna ku tilmaameen mid muujinaya in aannay Booliska iyo Bulshadu saaxiib ahayn.

Saraakiisha Xisbiga UCID, waxay ugu baaqeen Taliska Booliska in arrintaa deg deg wax looga qabto, isla markaana ay cadaalad helaan Hoodo iyo Hooyadeed.

Dhinaca kale, Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo ay garab-taagnaayeen Saraakiil kale, ayaa  ka hadlay arrintaa.

wuxuuna  sheegay in sida Wararka looga tabiyey falkaas aannay xaqiiq ahayn, isagoo ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan dad aannu magcaabin oo sida uu sheegay doonaya inay kala dilaan Booliska iyo Bulshada.

Gaashaanle Sare Faysal Xiis, ayaa ku dooday in dhaawacyada gaadhay Hoodo Garays iyo Hooyadeed Suleekha Cabdullaahi aannay waxba ka jirin.

Wuxuuna taas bedelkeeda ku dooday in iyagu ay la dagaallameen Askarta Booliska, isla markaana Askartooda dhaawacyo ay u geysteen.

Wallaw aannu cadaymo u tusin weriyayaasha sida dhaawacyada ka muuqda Hoodo iyo Hooyadeed.

Afhayeenka Booliska Somaliland, ayaa sheegay in gabadha iyo Hooyadeed lagu sii daayay heshiis nootaayo oo ay saxeexeen.

Arrintaas oo meesha ka saaraysa in ay wixii dhacay Saldhiga ay sheegeen in nabarada jidh-dilka iyo xadhiga loogu geystay in ay dacwad ka gudbiyaan.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post