X

Gabadh Soomaaliyeed Oo Toogasho Ku Dhimatay Intii Ay Ku JIrtay Filim Ay La Jilayshay Saaxibadeed

Araweelo News Network.

#Somalia@Gabadh Majaajiliiste Ah Oo Toogasho Ku Dhimatay Xilli Ay Filim La Jilayshay Saaxibadeed

#Somalia@Gabadh Majaajiliiste Ah Oo Toogasho Ku Dhimatay Xilli Ay Filim La Jilayshay Saaxibadeed

Garoowe(ANN)-Gabadh Soomaaliyad ah oo ahayd Majaajiliiste lagu magacaabi jiray Aniisa, ayaa ku dhimatay toogasho xilli ay ku jirtay jilista Filim cusub.

Aniisa, waxaa toogtay saaxiibkeed Libaax Yare sida lagu sheegay  shebekadda Somalilandstandard, oo xiganaysa Asad Abu Dhabi oo xubin ka ah kooxda majaajillada.

Kooxda ayaa jilayay markii falku dhacay Muuqaal Soomaali ah oo la doonayay in lagu baahiyo YouTube .

Falka toogashada ah, ayaa Arbacadii ka dhacay, isagoo ku celcelinaya tababarka majaajillada ee lagu qabtay magaalada Garoowe ee Puntland, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay nin ay wada shaqeeyaan.

 

“Saaxiibkay wuxuu si kedis ah u toogtay Aniisa intii aannu ku guda jirnay tababar  filim gaaban oo maad ah,‘ Allah ha u naxariisto walaasheen, ”ayuu yidhi Asad.

Dhalinyaradaa ayaa dhowaan baahiyay muuqaalo majaajillo gaagaaban oo ay jilayeen, iyagoo haysta qoriga loo yaqaan AK47 iyo qoryo kale,wallaw aan la cadayn sida ay hubka ku heleen.

Aniisa ayaa loola cararay Cisbitaalka laakiin fursadaha ay ku badbaadi karto aad ayay u yarayd, waxayna ku dhimatay Cisbitaalka magaalada Garoowe.

Booliska Puntland ayaa xidhay majaajiliiste Libaax Yare  waxayna ku bilaabeen baadhitaann la xidhiidha sida falku u dhacay.

Soomaaliya,mudooyinkan waxa kusoo batay dhalinyaro jilayaaal ah oo soo saara Filimo lagu shaaciyo shebekadda YouTube.

Filimadaa oo isugu jira kuwo majaajilo qisooyin iyo dhacdooyin qaarkood u jilaan si farshaxan ah,waxay ka helaaan dhaqaale.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post