Araweelo News Network.
#Somalia@Gabadh Majaajiliiste Ah Oo Toogasho Ku Dhimatay Xilli Ay Filim La Jilayshay Saaxibadeed
#Somalia@Gabadh Majaajiliiste Ah Oo Toogasho Ku Dhimatay Xilli Ay Filim La Jilayshay Saaxibadeed
Garoowe(ANN)-Gabadh Soomaaliyad ah oo ahayd Majaajiliiste lagu magacaabi jiray Aniisa, ayaa ku dhimatay toogasho xilli ay ku jirtay jilista Filim cusub.
Aniisa, waxaa toogtay saaxiibkeed Libaax Yare sida lagu sheegay shebekadda Somalilandstandard, oo xiganaysa Asad Abu Dhabi oo xubin ka ah kooxda majaajillada.
Kooxda ayaa jilayay markii falku dhacay Muuqaal Soomaali ah oo la doonayay in lagu baahiyo YouTube .
Falka toogashada ah, ayaa Arbacadii ka dhacay, isagoo ku celcelinaya tababarka majaajillada ee lagu qabtay magaalada Garoowe ee Puntland, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay nin ay wada shaqeeyaan.
“Saaxiibkay wuxuu si kedis ah u toogtay Aniisa intii aannu ku guda jirnay tababar filim gaaban oo maad ah,‘ Allah ha u naxariisto walaasheen, ”ayuu yidhi Asad.
Dhalinyaradaa ayaa dhowaan baahiyay muuqaalo majaajillo gaagaaban oo ay jilayeen, iyagoo haysta qoriga loo yaqaan AK47 iyo qoryo kale,wallaw aan la cadayn sida ay hubka ku heleen.
Aniisa ayaa loola cararay Cisbitaalka laakiin fursadaha ay ku badbaadi karto aad ayay u yarayd, waxayna ku dhimatay Cisbitaalka magaalada Garoowe.
Booliska Puntland ayaa xidhay majaajiliiste Libaax Yare waxayna ku bilaabeen baadhitaann la xidhiidha sida falku u dhacay.
Soomaaliya,mudooyinkan waxa kusoo batay dhalinyaro jilayaaal ah oo soo saara Filimo lagu shaaciyo shebekadda YouTube.
Filimadaa oo isugu jira kuwo majaajilo qisooyin iyo dhacdooyin qaarkood u jilaan si farshaxan ah,waxay ka helaaan dhaqaale.