X
    Categories: Warar

Furitaanka Shirka Golaha Dhexe Ee WADDANI Oo Sababay Sawaxan Iyo Buuq Dibadda U Saaray Guddoomiye Ku Xigeenkii Sadexaad Ee Xisbiga

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Shir weynihii golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, ayaa saaka si rasmi ah uga furmay Huteelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa,waxaana madasha lagu qabtay shirkaa oo xamaasad ka muqatray, ka soo xaadiray masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga WADDANI oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo dhammaanba ergooyinka kala duwan ee ka qayb-gelaya shirkaa.


Shirkaa oo ah shirkii koobaad ee golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI qabsado, waxa lagu dooranayaa Musharaxiinta Xisbiga uga qaygelaya tartanka doorashada, waxaana sidoo kale lagu ansixinayaa qaab dhismeedka hoggaanka xisbiga iyo qorshayaal kale. Dhanka kalne shinka ayaa waxa lagu soo casuumay marti sharaf kala duwan,kuwaas oo ay ka mid ahayeen madax ka socotay Xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE iyo masuuliyiin ka socotay Xisbiga mucaaradka ah ee UCID , xubno ka socday komishanka doorashooyinka qaranka, salaadiin cuqaal, iyo xubno kale oo ka socday ururada kala duwan ee bushada, qurba-jooga iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Shirka golaha dhexe ee WADDANI, ayaa kusoo beegmay, iyadoo Xsibigaa ay ku biireen dhowaan koox siyaasiyiin ah oo hore uga tirsanaa Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE, kuwaas oo la baxay Isbedeldoonka Dumuqraadiyada ee KULMIYE, isla markaana saamayn ku yeeshay Xisbiga WADDANI, iyadoo xubno hore uga mid ahaa Xsibiga WADAANI, saaluug ka muujiyeen saamaynta ay durba kooxdu ku yeelatay Xisbiga siyaasadiisa iyo hoggaamintiisa.
Sawaxan iyo gacan ka hadal, ayaa ka dhacay madasha. Kadib markii ay saraakiil ka tirsan madaxda Xisbigu ugu maandhaafeen qaabka Biritikoolka ee loo maamulay shirka, waxayna arrintaasi sababtay inuu madasha shirka dibadda uga boodo Guddoomiye ku xigeenkii sadexaad ee Xisbiga Xildhibaan Faarax Dheere oo dhaliil u jeediyay qaabka loo maamulay shirka golaha dhexe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post