X

“Foostada Shidaalka Iyo Maceeshadu Awaare oo Ethiopia ah ayay kaga jaban yihiin Somaliland oo leh Deked Caalami ah” Xisbiga UCID

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID, Yuusuf Keyse Cabdullaahi, Image Araweelo News Network, 24 November 2021.

Araweelo News Network.

Xisbiga UCID, wuxuu naqdiyay  siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Hargeysa(ANN)- Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa naqdiyay siyaasada xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxayna si adag uga hadleen dhibaatooyinka ka haysta bulshada xagga nollosha ee ay sabbabeen sicirbararka ahdheeyay dalka.

  Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID, Yuusuf  Keyse Cabdullaahi, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Somaliland oo leh Deked caalami ah qiimaha shidaalku Degmada Awaare ee Ethiopia oo aan bad lahayn weliba ku taal haw guntii kaga jabnaado.

Yuusuf Keyse, ayaa sidoo kale ku tilmaamay arrin layaab iyo fajac ku noqotay Bulshada muuqaalo dhowaan baraha Bulshada lagu baahiyay.

Wuxuu sheegay in uu dhowaan booqday deegaanka Awaare oo ka mid ah deegaamada Soomaalida dalka Ethiopia iyo dalka Djibouti.

Booqashadiisa deegaanka Awaare oo sida uu sheegay ku arkay waxyaabo soo jiitay deegaan ahaan xagga nollosha Bulshada ku dhaqan iyo xoollaha.

“Awaare, waa deegaan qurxoon oo xoollahu haysteen Baad iyo Biyo, waxa aad ii soo jiitay qiimaha maceesha iyo shidaalka oo aad uga hooseeya marka loo eego Somaliland oo leh Deked caalami ah.” Ayu yidhi.

Wuxuuna isagoo tilmaamaya qiimaha shidaalka halkii Foosto ee Awaare oo ku taal Hawd iyo qiimaha shidaalka Somaliland ee cirka lagu shareeray yidhi, “Foostada Shidaalka ah Awaare waxay ka maraysaa 4, 800 Br lacagta Ethiopia oo ka yar $ 85, dollar, halka Somaliland oo leh Deked Caalami ah Foostadu marayso $ 160 dollar, farqiga u dhexeeya waa $ 60 dollar”

Yuusuf Keyse, wuxuu sheegay in shidaalku uga yimaado Djibouti oo 2000, Km u jirta, isla markanaa dalka Ethiopia dagaalo ka socdaan, “waxa layaab ah in Somaliland oo deked caalami ah leh maceeshadii iyo shidaalkii kaga jabnaado gudaha Ethiopia.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka deegaanku u sheegeen in Hargeysa aannay usoo safrin muddo Afar sannadood ku dhow, taas oo sida uu sheegay ay sabab u tahay in Dhagax-buur ay safaradooda u weeciyeen, iyagoo eegaya qiimaha maceeshada.

Arrimahaa ayuu ku macneeyay kuwo layaab ku ah Bulshadda Somaliland oo u baahan in lays weydiiyo.

Dhinaca kale, Yusuuf Keyse ayaa ku nasiibdaro ku tilmaamay muuqaalada dhowaan lagu shaaciyay baraha Bulshada oo masuuliyiin xukuumadda ka tisran kusoo bandhigeen sawiro muujinaya, iyagoo malab faraha darsanaya.

Halkan ka Daawo arrimahaa iyo kuwo kale oo Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ee UCID, ku dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post