X
    Categories: Warar

Faysal Cali-waraabe Oo Sheegay inuu Gacan ka-gaysannayo Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya Si Loogu Doorto Hoggaamiyayaal Fiican

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay inuu gacan ka-gaysannayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee dhawaan la filayo in ergooyin la soo xulay doortaan Madaxweynaha dalkaasi hoggaamin doona afarta sanno ee soo socda.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in isaga iyo siyaasiyiin kale oo aannu carrabaabin ay ka hawlgali doonaan sidii madax wanaagsan loogu dooran lahaa Soomaaliya, balse muu caddayn qaabka uu arrintaasi uga qaybqaadanayo.
“Diyaar baannu u nahay in wanaag ka dhaco Soomaaliya oo gacanna waanu ka gaysanayno doorashadaa maanta soo socota Insha Allaahu, gaar ahaan aniga Faysal ahaan iyo rag kale oo ila mid ahi waxaannu jecelnahay in aannu gacan ka gaysanno in dad wanaagsani soo baxaan (doorashada madaxtinimada), Soomaaliya waxa danteedu tahay inay dad wanaagsani halkaa yimaadaan oo aanay aragtidoodu ahayn Somaliland xumee oo Somaliland hoosaysii, laakiin ay tahay Soomaaliya hagaaji kadibna Somaliland wadahadla,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa shalay, waxaannu intaa ku daray isagoo tilmaamaya xubno siyaasiyiin xilal ka haya Soomaaliya oo dagaal kula jira Somaliland oo ay asal ahaan ka soo jeedaan, “Haddaanu nahay Somaliland waxaannu jecelnahay in aannu wanaaggiina iyo nabadgalyadiinna (Soomaaliya) ka shaqayno, inkastoo rag siyaasiyiin ahi ay xumaanta Somaliland ka shaqeeyaan oo ay ka mid yihiin raggii yidhi qaadka Kenya halaga joojiyo Soomaaliya kadib markii badhasaabka gobolka Miirooga (qaadku ka baxo ee Kenya) uu yidhi ha la ictiraafo Somaliland, cadaawad ay u qabaan Somaliland oo uu kow yahay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka Soomaaliya Ina Jaamac Jangari iyo Wasiirka Dibadda Cabdisalaan Hadliye, saddexdaa nin waxaan idiin sheegayaa dhulkaad joogtaan marti baad ku tihiin, haddaan maanta imaado idinku dibadda ayaad tihiin, ninka la rabaa waa aniga ee idinka maaha, maggan baad ku tihiin Xamar ee ma horistaagi kartaan Somaliland. Xasan Sheekh-na (Madaxweynaha Soomaaliya) waxaan leeyahay waxaad tahay waad iskaaya tustay, waanu ku baranay, Soomaaliyana way ku baratay, waa lagaa tashanayaa Insha Allaahu oo dad wanaagsan baa loo soo saarayaa Soomaaliya.”
“Waxaannu leenahay xaasidnimada Somaliland maaha dhismaha Soomaaliya, walaalinimada Somaliland ayaa ah dhismaha Soomaaliya, wanaagga Somaliland waa wanaagga Soomaaliya, waa ka Jabuuti, waa ka NFD (Soomaalida Kenya), waa ka Kilalka Shanaad, jidh qudha ayeynu nahay ee siyaasadda ayuun baa inna kala gaysay, xuduudaha adduunku sameeyey ayuun baa inna kala kaxeeyey ee sidaa Carabta,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha UCID waxa uu farriin baaq ah u diray shacabka reer Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxaan ka baryayaa shacabka reer Somaliland inay nabaddooda adkaystaan, inay wanaagga is-faraan oo xumaanta iska nahyiyaan, iska daayaan qabyaaladda iyo xasadka, is jeclaadaan si raxmadda Ilaahay ugu badiyo.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post