X

Faysal Cali Waraabe Oo Baaq U Diray Ciidamada Qaranka Somaliland

Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha UCID, Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

“Waxaan idinka codsanaynaa inaad xeryihiinii ku noqotaan oo guddi soo dirataan,” Guddoomiyaha ICID.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa baaq u diray Ciidanka Qaranka Somaliland, isagoo ku booriyay in ay xaaladda dejiyaan.

Eng. Faysal, wuxuu tilmaamay doorka ciidanka Qaranka Somaliland ku leeyihiin ilaalinta qaranimada iyo amniga iyo difaaca dalka.

“Waad ogtihiin maanta Wasiir iyo wasaarad shaqaysaa ma jirto dalka, marka laga reebo wasaaradda Maaliyadda oo wasiirka jooga Cashuurta ka ururiyo dadka.” ayuu yidhi.

Eng. Faysal, waxa uu sheegay meesha keliya ee Somaliland u fayoobayd inay ahayd ciidanka Qaranka oo maanta laga soo sheegayo tabashooyin, wuxuuna ugu baaqay in xaaladda dejiyaan.

“Waxaan idinka codsanaynaa inaad xeryihiinii ku noqotaan oo guddi soo dirataan, idinkoo si asluub iyo nidaam leh wixiina u heli kara qas hayna gelinina oo cadawga haynoo jebinina” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal oo ka hadlayaa arrimahaa halkan ka daawo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post