X
    Categories: Warar

Farriin amar ah oo loo kala diray ciidammada kala duwan ee dalka iyo Taliska Laanta Socdaalka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ciidammada ammaanka kala duwan ee dalka fartay in ay laga bilaabo Isniinta maanta gacanta ku dhigaan qof kasta oo ajenbi aan waraaq oggolaanshaha ka haysan wasaaradda amma aan codsigiisa geyn.
Wasiir-ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Daakhiliga Md. Jaamac Cabdillaahi Warsame (Biin), Agaasimaha Guud iyo Taliyaha Laanta Socdaalka oo shir-jaraa’id wadajir u qabtay shalay, ayaa digniin kama dambays ah u soo jeediyey dadka ajenebiga ah ee Somaliland sharci-darrada ku jooga.
Mr. Biin waxa uu sheegay in muddadii ay soo codsadeen dadka ajenebiga ah in loogu darro inay dalka kaga baxaan amma is-diiwaangeliyaan ay dhammaatay 25 February, wixii hadda ka dambeeyana tallaabo laga qaadyo.
“Wataannu hore baaq u jeedinnay, ogaysiinna u jeedinay dhammaan dadka ajenebiga ah ee Somaliland jooga in ay muddo cayiman kaga baxaan, haddii kale soo dalbadaan aqoonsiga amma sharciyadda ay ku joogayaan. Waa laga aqbali amma waa loo diidi. Waxa dhacday in ay codsi kale dadkii keeneen oo yidhaahdeen muddadaas kuma diyaar-garoobi karno. Xaq bay u yeesheen, xuquuq baanay noqotay, dib ayaana loo kordhiyey, waxaanay ku ekayd 25 February, ilaa maantana waxaannu aqoonsannahay cid kasta oo aan ilaa imminka qaadan sharcigii amma soo dalban in ay ka maarmeen inay oggolaansho Somaliland ah qaataan,” ayuu yidhi Md. Jaamac Cabdillaahi Biin.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Daakhiliga Md. Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa isaguna faray kuna amray ciidammada ammaanka in ay hadda wixii ka dambeeya qabtaan dadka ajenebiga ah ee aan haysan waraaq oggolaansho ay dalka ku joogayaan, “Waxaan u sheegaynaa in dadka ajenebiga ah ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxa aan u sammaynay hab cusub oo Online ah in lagu diiwaangeliyo. Faraha laga qaadaya, indhaha laga sawirayaa sida muwaaddiniinta caadiga ah loo sameeyo si loo ogaado haddii dadka dalka jooga ay dambi galaan, laguna soo qaban karayo. Waxa aan faraynaa ciidanka booliska, laanta socdaalka, ciidanka Somaliland jooga iyo ciidanka xeebaha in laga bilaabo ciddii ajenebi ah ee aan Wasaaradda Arrimaha Gudaha sharci ka haysan ay soo qabtaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Sidoo kale, Taliyaha Laanta Socdaalka Md. Dayib Cismaan Caalin, ayaa xusay in ay fulinayaan amarka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
“Ciidammada ammaanka Somaliland ee Arrimaha Gudaha hoos yimaada oon annigu ka joogo, madaxii Laanta Socdaalka, sidaas ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu fartay, wasiirka iyo agaasimaha hadlay amarkooda ayaannu fulinaynaa,” ayuu yidhi Taliye Caalin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post