X

Farnce: Emmauel Macron Oo Laga Cabsiqabo Inay Galaaftaan Kacdoono Siyaasaddeed Iyo Kuwo Dhaqaale Oo Ka Dhashay Dagaalka Ukraine

#Araweelo_News_Network.

Paris(ANN)-Madaxweynaha Dalka Faransiiska, Emmauel Macron, ayaa la kulmaya qalalaase siyaasaddeed iyo kacdoon ay suurtagal tahay inuu ku waayo kursiga.

Boqollaal kun oo qof ayaa mar kale Arbacadii maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee dalka, kuwaas oo si toos ah uga soo horjeestay qorshayaasha uu wado Madaxweyne Emmauel Macron ee wax ka beddelka Dastuurka.

Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay magaalooyinka dalka iyadoo ururrada shaqaalaha ay sheegeen in ka badan Afar boqol iyo konton kun ay ka qeyb qaateen muddaharaadka Magaalada Caasimadda ah ee Paris oo keliya.

Hase yeeshee Mas’uuliyiinta xukuumadda, ayaa tiradaas hoos u dhigay, laakiin sidoo kale waxay dhigeen rikoodh saddex iyo toban kun oo Booliis ah, ayaa doonaya inay dadka hakiyaan, balse ma ay suurtagelin.

Muddaharaadayaasha caanka ku ah Jaakaddaha Yallowga iyo kooxo kale  Faransiiska, shaaraca Paris 29 March 2023.

Laba toddobaad ayaa laga joogaa markii Madaxweyne Emmauel Macron, uu isticmaalay awood dastuuri ah oo lagu muransan yahay si uu u baalamaro baarlamaanka oo uu u qaado tillaabooyin kor loogu qaadayo da’da hawlgabka oo laga dhigay inta u dhaxaysa 62 ilaa 64.

Hase yeeshee arrintan ayaa ku keentay muddaharaadyo waaweyn, iyadoo Ururada shaqaalaha iyo kuwa Bulshada Rayidka ah ay mar kale safka hore kaga jiraan mudaaharaadyada, iyagoo si weyn uga cadhooday diidmada qayaxan ee dawladdu ay ku diiday baaqyada dhexdhexaadinta ee xiisadda.

Muddaharaadayaasha caanka ku ah Jaakaddaha Yallowga ah ee Faransiiska, shaaraca Paris 29 March 2023.

Macron waxa uu ciyaarayay dhego iyo indho la’aan muddo ku dhow laba bilood, isaga oo iska indho tiray toddobaadba toddobaadka ka dambeeya dhammaan cadhada isa soo taraysay iyo dhammaan mudaaharaadyada.

In kasta oo uu qorshaynayo in mar haddii sharciga la meel mariyey, uu  oggolaado inuu la kulmo ururrada shaqaalaha si looga wada hadlo arrimaha bulshada iyo wixii la mid ah.  Laakiin dadka sida dhow ula socda siyaasadda dalka Faransiiska oo dagaalka Ukraine ruxayo, ayaa sheegaya inay jirto arrin Madaxweynuhu garan la’yahay, oo aannay dawladdu fahmin, taas oo ah in maanta shaqaalihii shaqada diiday go’aansadeen in la sii wado muddaharaadyada ilaa inta ay xukuumadda Madaxweyne Emmauel Macron dib uga noqonay qodobbada sharciga ay baalmartay.

Dhinaca kale, muddaharaadyada ayaa laga cabsi qabaa inay isaga tallaabaan dhawr dal oo Yurub ah, kuwaas oo ay ku jiraan Britain , Germany iyo kuwo kale, iyadoo sabab looga dhigayo dhibaatooyinka siysaasaddeed iyo kuwa dhaqaale eek u habsaday Yurub, kuwaas oo ka dhashay dagaalka Ukraine oo masiibo ku noqday dunida, isla markaana hore sabab ugu noqday in madaxda Yurub qaarkood ku waayaan xilalkooda, kaddib duufaanno siyaasaddeed iyo kuwo dhaqaale oo ka dhashay Dagaalka  Ruushka Iyo Ukraine iyo xulufadda NATO.

Kooxda Jaakaddaha Yallowga ah ayaa Muddaharaadyada qayb inta baddan ka dhaca dalka Fansiiska qayb weyn ka ah, kuwaas oo laga soo bilaabo Muddaharaad toddobaadle ah oo ka dhacay Faransiiska soo bilaabay 17kii Noofambar 2018, iyagoo sannadihii u danbeeyay sii xoogaysanayay.

Markii ugu horraysay mudaharaadayaashu waxay u ololleeyeen caddaaladda iyo dhaqaalaha,  waxayna si weyn u gilgileen xukuumadda Faransiiska.
Kooxdan ayaa mar si weyn ugu faaftay Yurub, waxayna hoosta ku sitaan qorshayaal xagjirnimo iyo cunsuriyad ah oo qarsoon oo ay kow ka yihiin nacaybka soo galootiga iyo Islaamka.

Muddahaaradkii ugu khasaaraha weynaa ee ay ka dhigaan Farnsiiska 2018, waxa ka qaybgalay
287,710 muddaharaadayaal ah, sida ay sheegtay xogta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Faransiiska. sidoo kale, tirada ku dhimmatay ayaa ahayd 11 qof oo ay ku jiraan saddex kooxda Jaakaddaha Yallowga ah, halka ay ku dhaawacmeen 4,439 isugu jira Boolis iyo shicib ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post