X
    Categories: Warar

Farmaajo Oo Shaaciyay Magacyada Guddida Wada Hadaladii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Soomaaliya Xilli Xiisaddaha Siyaasadeed Ee Labada Dhinac Sii Murgeen

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Photo File Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda  Federaalka Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wareegto ku magacaabay Guddi  Qaran oo uu sheegay inay yihin guddida dhabta ah ee Dib-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Dawladda Soomaaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay maanta  Villa Somalia, kaas oo lagu sheegay in  Madaxwayne Farmaajo  u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddidaa, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddida ayaa kala ah:

1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).

2. Dr.Cali Siciid Fiqi.

3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.

4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Guddida, ayaa Madaxweynuhu  u magacaabay in xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, waxa lagu sheegay qoraalka in Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda  uu yahay mid qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddida kuwaas oo ah:

1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.

2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.

3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.

4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.

5. Guddida waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh inay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal. Ayaa lagu yidhi, qoraalka Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, waxay arrintan kusoo beegantay xilli ay xiisado iyo dagaalo siyaasadeed u dhexeeyaan Xukuumadda Somaliland iyo Xukuumadda Villa Somalia, waxayna xukuumadda Somaliland ku canbaaraysay dawladda Federaalka inay Somaliland ku wado dagaal dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo saamayn ku yeeshay dhoofka Xoolaha Soomaalida, kadib markii ay xiisaddo siyaasadeed oo ka dhashay booqashadii bishan July horaanteedii Madaxweynaha Somaliland ee dalka galbeedka Afrika ee Guinea iyo qaabka loo qaabilay ay ka cadhaysiisay dawladda Federaalka iyo weliba xiisad ka dhalatay Markab Xoolo ka qaaday  Dekedda Berbera oo ay Xukuumadda Somaliland ku eedaysay inay carqaladaysay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post