Araweelo News Network
farmajo

Muqdisho(ANN)- Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lasoo gebagebeeyay, waxaana ku guulaystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaddib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareega saddexaad kula tartami lahaa uu tanaasulay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DF-ka Max’med Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in Afar musharrax ay usoo baxeen wareegga 2-aad ee doorashada.

18 kamid ahaa Murrashixiintii u tartamaysay xilka madaxweyne ayaa ku haray wareeggii kowaad waxaana soo baxay Afar Murrashax oo kala ah 1-Xasan Sheekh Maxamuud oo 88 Cod helay 2- Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo 71 cod helay 3-Shariif Sheekh Axmed oo 49 cod helay 3- Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake oo 37 cod helay.

intii aan loo gudbin Wareegii labaad, waxa ka hadhay tartanka Cumar Cabdirashiid Sharmaarke.

Hase yeeshee Natiijada Wareegii Labaad oo ay isku soo hadheen Murrashaxiinta Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, waxa ku dhaqaay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Maxamed Cismaan Jawaari, wuxuuna sheegay in saddexda murrashax ee usoo gudbay wareega labaad kala heleen sidan:-
1-Shariif Sheekh Axmed, 46 Cod
2-Xasan Sheekh Maxamuud, 97 Cod
3-Max’med Cabdullaahi Farmaajo 184 Cod.
Guddoomiyaha Jawaari, ayaa sheegay inay codeeyeen 327 , xildhibaan, hal cod ayaa la waayay sida uu sheegay Guddoomiye Jawaari , mana jirin wax cod ah oo xumaaday, wuxuu ugu baaqay Xildhibaanada in sawaxanka la joojiyo si loogu gudbo wareega saddexaad, wuxuuna xusay in sida Dastuurku dhigayo labada Murrashax ee ugu codka badan u gudbayaan wareega saddexaad oo ay isku soo hadheen labada Murrashax ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo 184 Cod ku hoggaaminaya wareegaa.
Guddoomiye Jawaari, wuxuu markaa kadib ka hor intii aan loo gudbin wareegi saddexaad kusoo dhoweeyay Micrifoonka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay halkaa, wuxuuna u hanbalyeeyay Farmaajo inuu noqonayo Madaxweynaha bedelaya isaga, waxaana lagu soo dhoweeyay dhawaaqaa Xasan Sheekh oo ahaa mid lama filaan ah sacab iyo dareen farxadeed.
Waxaana goobtii lagu dhaariyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.