X
    Categories: Warar

Farmaajo Oo Ammaanay Hoggaamiye Kooxeed Uu Magcaabay Iyo Fahad Yaasiin Oo NISA Loo Dhiibay

Cumar Finish

Muqdisho(ANN)- Xukuumadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho u magcawday inuu ka noqdo Guddoomiye mid k mid ah Hoggaamiye kooxeedyadii looga caagay Magaaladaa dhawr iyo toban sannadood ka dhor, balse markii danbe ay ka xoreeyeen Maxkamaddii Islaamiga ahaa.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu  guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir u magaacaabay, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo ka mid ahaa qabqablayaashii dagaalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) ayaa u geeriyooday qarax dhowaan lala beegsaday oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, kaas oo  Al Shabaab la beegsatay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho horraantii August 2019.

Waxayna Xukuumadda Farmaajo go’aansatay in Cumar Filish oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii ka arrimin jiray magaalada Muqdisho, isla markaana mar soo qabtay xilka wasiirkii arrimaha diinta ee dowladdii kumeel gaadhka ahayd sannadkii 2004-tii,  wuxuuna xilkaa ka degay sannadkii 2009-kii.

Cumar Finish ayaa sanaddii 2006 isu dhiibay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga kadib markii laga adkaaday isbahaysigii Argagaxisa ladirirka ee uu kamid ahaa.

Farmaajo ayaa ku tilmaamay Cumar Filish inuu yahay nin khibrad leh oo xilal kala duwan soo qabtay,  isla markaasna u qalmo inuu hoggaanka u qabta maamulka gobolka Banaadir. Sida lagu sheegay Wareegto kasoo baxday xafiiska Farmaajo, taas oo sidoo kale lagu magcaabay saraakiisha Ciidamada Sirdoonka, Millateriga iyo Booliska.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre, ayaa shaqadii uu hayay ka eryay General Indho Qarshe oo ku magacawnaa taliyaha ciidamada Xoogga  dalka Soomaaliyeed, waxaana lagu bedelay nin lagu magacaabo Odawaa Raage.

Taliyaha cusub ee Nabad sugidda, ayaa loo magacaabay Fahad Yaasiin oo hore u ahaa Taliye ku xigeenka NISA, isla markaana kamid ah siyaasiyiinta loo tiriyo inuu u dhow yahay Farmaajo,  islamarkaana ah wakiilka dowladda Qadar ee Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post