X
    Categories: Warar

Fariin Ku Waajahan Shaqaalaha Dawladda Somaliland

Araweelo News Network

Sharmaarke Geele

Hargeysa(ANN)-Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa wax ka bedel kooban oo ku waajahan bisha Barakaysan ee Rammaddaanta inta lagu jiro oo lagu samaysay saacaddaha ay shaqada ku jirayaan ama shaqayn doonaan shaqaalaha kala duwan ee Dawladdu u qorsheeyey si ay waajibaadkooda shaqo iyo Cibaaddada ALLE ku waajibiyey labadaba u gutaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta shaaciyey go’aan ay soo saareen Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo ay ku socod siiyeen shaqaalaha dawladda ee kala dudwan in saacaddaha ay shaqayn doonaan bisha barakaysan ee Rammaddaanta oo wax ka bedel kooban lagu sameeyey, waxaana shaqaalaha la faray inay shaqooyinka dawladda inta lagu jiro Bisha Ramaddaanta soo geli doonaan 8:00 Subaxnimo, Isla markaana ay ka bixi doonaan 1:00 Duhurnimo si ay shaqooyinka ay qaranka u hayaan u gutaan isla markaana Cibaaddada ALLE ku waajibiyey u haleelaan dadku.

Sidoo kale Guddoomiye Sharmarke Geelle, ayaa dhanbaal  hambalyo ah oo ku saabsan Bisha Barakaysan ee Rammaddaanta u diray shacabka Somaliland iyo shucuubta Islaamka oo uu ku hambalyeyey Bisha barakaysan ee Ramadaan curashaddeeda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post