X
    Categories: Warar

Faransiiska Oo La Tacaalaya Weeraro Lagu Hayo Kombuyuutarada Dhinaca Internetka Ee Dawlada

Araweelo News Network

Jean-Yves le Drian


Paris(ANN)-Wasiirka gaashaan dhigga Dalka Faransiiska, ayaa sheegay in sannadkii hore Afar iyo labaatan kun oo weerar oo xaggaha dhinaca internet-ka lagaga soo qaaday kombuyuutarrada wasaaradda gaashaan dhigga, kuwaas oo la fashiliyey.

Jean-Yves le Drian ayaa sheegay in weerarrada noocan ahi sannad ba sannadka ka dambeeya ay laban laabmayeen. Wuxuuna digniin ku bixiyey in shabakadda kombuyuutarrada Fransiisku khatar ku jirto, isla markaana ay suurto gal tahay in sannadkan 2017, la qaado isku dayo lagu xagal daacinayo doorashooyinka Faransiiska ee sannadkan dhici doona.

Mudane Le Drian, ayaa dusha kala socday hawl gal ballaadhan oo dib loogu habaynayo kartida internet-ka ee Faransiiska, kaas oo taliyaha ciidanka loogu dhiibayo hogaanka xarun cusub oo lagu magacaabay Cybercom.

Wuxuu hadalkan ka sheegay mar uu waraysi siinayey wargeyska Faransiiska ah ee Le Journal du Dimanche, waxaanu ku soo beegmay maalmo uun ka dib markii sirdoonka Maraykanku xaqiijiyeen in Ruushku isku dayey inuu fara-geliyo, ama uu farageliyay doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee dhacday bishii November 2016, taas oo natiijadeeda guushu ku raacday Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump, balse Ruushku beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa guusha Trumo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post