X
    Categories: Warar

Fannaanadii Geyiga Soomaalida Caanka Ka Ahayd Marxuumad Sahra Axmed Oo Geeriyootay Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd Marxuumad Sahra Axmed Jaamac, ayaa maanta  ku geeriyooday magaalada Hargeysa, iyadoo mudooyinkii u danbeeyay u jiiftay xanuun haleelay.

Marxuumad Sahra Axmed Jaamac, ayaa lagu aasay xabaalaha Bariga Hargeysa ee Rawda, waxaana ka qaybgalay Aaska marxuumada Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Bahda Fanka iyo boqolaal qof ka mid ah Bulshadda Caasimada Hargeysa.

Marxuumada, ayaa ka mid ahayd Fannaaniinta ugu magaca dheer Haweenka Soomaalida ee Fanka, ayaa ahayd mid Alleh ku manaystay cod cajiib ah oo soo jiita dhegaha bulshada.

Geerida Fannaanada waxa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo ka tacsiyeeyay shacbiga Somaliland, Bahda Fanka Iyo qoyskii ay ka geeriyootay.

Dhanbaalka Tacsida Madaxweynaha Somaliland, ayaa u qornayd sidan:-

 

“IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ku sifeeyey hooyo ka baxday bahda fanka iyo suugaanta, magac iyo sumcadna ku lahayd bulshada ku hadasha afka Soomaaliga meel ay joogaanba, marxuumadu waxay fanka ku soo biirtay, 1969kii.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post