X
    Categories: Warar

 Fannaanadda Caanka Ah Ee Rihanna Oo Raaligelin Ka Bixisay Khalad Ay Ka Gashay Diinta Islaamka

Xigashada Sawirka, Getty Images, fannaanadda Rihanna

Araweelo News Network

Fannaanadda caan ah ee u dhalatay dalka Maraykanka Rihanna ayaa raalligalin ka bixisay kaddib markii ay baahisay hees muran dhalisay bandhigeeda ugu dambeeyay ee Savage X Fenty.

Fannaanadda, ayaa la kulantay walaac kaga yimi dhanka Bulshada Muslinka  ah ee internetka,  kaas oo ka dhan ah heesta Doom ee ay qaaddo fanaanadda Coucou Chloe, oo ay ku jiraan qoraal Muslim ah oo ka mid ah AXaadiista.

Rihanna ayaa sheegtay adeegsiga heestaasi in ay ahayd “masuuliyad darro” iyo “daacad ahaanna, uu ahaa khalad taxadar la’aan ah.”

Xadiisku waa qayb ka mid ah qoraallo la ururiyey oo la rumaysan yahay inay yihiin ereyadii uu ku hadlay nabi Muxamed, NNKH.

Ka dib kitaabka barakaysan ee Quraanka, Axaadiista waxaa loo arkaa inay yihiin qaar ka mid ah qoraallo diimeedka ugu muhiimsan muslimiinta.

Qaybta Carabiga ah ee heesta loo adeegsaday waxa ay qayb ka tahay Xadiis ka hadlaya maalinta xukunka ama qiyaamaha. Heestana waxaaba loogu magac daray ‘qiyaamaha’

Coucou Chloe ayaa iyana dhankeeda raaligalin bixisay, iyadoo sheegtay inaysan ka warqabin in heesta ay ku jirto beydadkaa ku saabsan Islaamka.

Astaanta Rihanna ee bandhiggeedii quruxdaiyo xayaysiinta dharka ee Fenty ayaa lagu ammaanay sida ay ugu heellan tahay hirgelinta kala duwanaanshaha.

Laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha muslimiinta ah ayaa su’aal ka keenay adeegsiga heestaas xilligaas oo si toosa looga daawanayey Amazon Prime, markii taariikhdu ahayd 2-dii Oktoobar.

Hodhen Liaden, oo 26 jir ah, waa qoraa wax ka qorta quruxda oo taageere u ah Rihanna iyo bandhiggeeda Fenty laakiin waxay u aragtay inay khalad tahay in heestaas lagu soo daro showga.

Waxay tiri waa “wax lagu raaxeysto” in la arko raaligalinta Rihanna laakiin waxay u maleyneysaa in magacyada waaweyn “ay u baahan yihiin dad badan oo muslimiin ah oo ka shaqeeya warshadahaas kuwaas oo ka soo bixi kara waxyaabaha sidan oo kale ah”.

                        Xigashada Sawirka, Instagram/BadGalRiri

 

Hodhen waxay horey u iibsatay alaabooyinkii bandhigga Fenty laakiin waxay sheegaysaa in dhacdadani ay baddeli karto maskaxdeeda hadda.

Xataa waxa ay sheegtay in aanay isticmaali karin isla markaana baahin karin alaabtii loo soo diray, si ay u xayaysiiso.

“Uma maleynayo inaan iibsan doono badeecado ama xitaa aan ku xayaysiin doono barteyda Instagram. Macno ahaan waxaan hayaa sanduuq alaabooyin Fenty ah oo la ii soo diray si aan wax uga qoro ama uga curiyo, mana ogi sida aan taas u dareemayo.”

Xigashada Sawirka, Hodhen Liaden Qoraalka sawirka, Hodhen ayaa sheegtay in laga yaabo inay joojiso iibsashada alaabta Fenty

 

Tani ma ahan markii ugu horreysay oo Rihanna lagu eedeeyo dareen la’aan dhanka diinta Islaamka ah.

Sanadkii 2013, waxaa laga codsaday inay ka baxdo masjid ku yaal Abu Dhabi ka dib markii ay sameysay “sawiro aan munaasib aheyn”.

Warshadaha dharka ayaa lagu eedeeyay inay sameeyan “anshax xumo” dhanka Islaamka ah, sidoo kale.

Bishii Ogosto, Kanye West ayaa dadka qaar ku dhaleeceeyeen inuu ugu magac daray tababarayaashiisa kabaha Yeezy Boost, Israfil iyo Asriel – oo ah labo magac oo islaami ah.

Xiggasho: BBC

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post