X
    Categories: Warar

Fannaan Geyiga Soomaalida Caan Ka Ahaa Oo Geeriyooday

Lahaanshaha sawirka Cabdi Tahliil

Muqdisho(ANN)-Allah ha naxatiistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame oo xalay ku geeriyooday, halkaa kadib muddo ku dhaw 18 sannadood oo uu xanuunsanayay.

Aaska Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka, abwaano, fanaaniin iyo ehellada fannaanka iyo dadweyne kale.

Cabdi Tahliil Warsame, sida la sheegay wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.

Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore kaga jirta  heesaha aad loo dhegeysto, waxa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdullaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waaberi.

Kooxihii kale ee uu Cabdi Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaasi.

Allah ha unaxariistee waxa uu waxbarshada dugsiga sare ku qaatay ku bar baaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan hase ahaatee markii dambe waxa uu usoo wareegay magaalada Muqdisho ee degeenaa ilaa maanta.

Waxaa uu ka tagay caruurta iyo waxa ay sii dhaleen 42 qof.

Sidoo kale fanaan kaliya ma aheen ee waxaa soo noqday xisaabiyaha ee gobolka Bari, waxaa uuna kasoo shaqeeyaan deegaanada Qandalo, Qardho iyo magaalada Ganacsiga ee Boosaaso.

Allaha ha unaxariistee guud ahaan fanaaniinta Soomaaliyeed meel walbo oo ay dalka ka joogaan ayaa ka tacsiyadeeyay geersida ku timid, waxaana ay Alla uga baryeen inuu janadiisa fardowso ka waraabiyo samir iyo iimaane uu ka siiyo dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xiggasho VOA

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post