X
    Categories: Warar

Fanaanada Weyn Ee Sahra Halgan Iyo Saraakiil Kale Oo Iska Casilay Xisbiga Mucaaradka WADDANI

Hargeysa(ANN)Fanaanada caanka ah ee Sahra Halgan iyo saraakiil kale oo kala ahaa ayaa maanta iska casilay xilalkii ay ka hayeen Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, waxayna ku sifeeyeen is casilaadooda mid ka dhalatay maamul xumo iyo markii ay fahmi waayeen sida ay sheegeen jihada uu u socdo xibsiga WADDANI.
Saraakiisha iska casilay xilalkii ay ka hayeen Xisbiga mucaaradka ee WADDANI iyo xubinimadii ay ka ahaayeen, ayaa kala ahaa Xasan Axmed Goodaad oo sheegay inuu ahaa Xoghayihii Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI, Haween Garabka Haweenka ee Heer Qaran, Haweenay sheegtay inay ahayd Guddoomiyihii Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Maroodi-jeex iyo xubno kale, kuwaas oo warbaahinta u sheegay maanta inay iska casileen xilalkii ay hayeen, isla markaana xubinimadii xisbigaa ka baxeen.
“Anigoo ah Xasan Axmed Muuse Goodaad, isla markaana ahaa Xoghayihii Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI, waxaan halkan idiinka cadaynayaa inaan xilkaa iska casilay, isla markaana xusbinimadii Xisbiga WADAANI, ka baxay” ayuu yidhi Xasan Goodaad oo warbaahinta la hadlayay maanta.
Guddoomiyihii Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Maroodi-jeex, “12 sanadood ayaan mucaaradka kusoo jiray, maanta maalin ay mucaaradnimadu ka jiha habawsantahay iyo jiha ay u soco waanu garanweynay, taas ayaana keentay inaan iska casilo xilalkii aan ka haynay xisbiga WADDANI” sidaa waxa tidhi Haweenayda sheegtay inay ahayd Guddoomiyihii Abaabulka iyo Wacyigelinta gobolka Maroodi-jeex.
Fanaanada Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) oo kal hore Sep 2014, ku biirtay Xisbiga Mucaardka ee WADDANI, waxay ka mid ahayd labeenta sare ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI, isla markaana waxay saamayn weyn ku lahayd hawlaha xisbiga, ayaa qoraal kooban oo ay ku socodsiiyay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro ku sheegtay inay gebi ahaanba ka baxaday Xisbigaa, iyadoo sabab uga dhigtay is casilaada mid la xidhiidha dano gaar ah.
Dhowaan ayay ahayd markii masuuliyiin sare oo ka mid ahaa Xibsiga Mucaaradka ee WADDANI iska casileen xilalkii ay ka hayeen, isla markaana ka baxeen ka mid ahaanshaha xisbigaa, kuwaas oo dhaliilo u jeediyay hoggaanka sare ee Xisbiga gaar ahaan guddoomiye Cirro oo ay ku tilmaameen mid Xisbiga ka dhigay inay talladiisu u xidhnaato shaqsiyaad kasoo jeeda Ardaagiisa oo keliya, taas oo ay sheegeen inay meesha ka saartay rajadii ay ka qabeen inuu noqdo Xisbi hoggaamin kara dalka.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post