X

Fahad Yasain Taliyihii Hore Ee NISA Oo Lagu Xidhay Madaarka Djibouti

Fahad Yasin Xaaji Image Araweelo News network.

Araweelo News Network.

#Villa #Somalia Oo Ka #Hadashay Xadhiga #Fahad Yasin

#Djibouti(ANN)-Fahad Yasin oo ahaa Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee #NISA, ayaa lagu xidhay Dalka Djibouti, sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay Cabdikariim Maxamed Haashi.filayo inuu maalinta beri ka qabsoomo Magaaladda Muqdsiho.

Fahad Yasin oo dhowaan laga qaaday xilka Agaasimihii NISA, isla markaana loo bedelay La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha, waxa lagu xidhay Madaarka dalka Djibouti, isagoo kasoo kicitimay dalka Turkiga.

Afhayeenka Madaxweynaha Somalia, Cabdikariim Maxamed Haashi, ayaa sheegay in Fahad Yasin kusoo jeeday Magaaladda Muqdisho si uu shirka amniga qaranka ee lagu wado inuu maalinta beri ka qabsoomo magaaladda Muqdisho.

Xaashi wuxuu sheegay in ay xukuumadda dalka Djibouti ka wada hadleen xadhiga iyo xayiraada Fahad Yaasin, isla markaana uu rajaynayo in loo soo celiyo xorriyadiisa si uu safarkiisa usii wato, balse ma xaqiijin sababta loo xidhay.

Afhayeenku wuxuu meesha ka saaray in Booliska Caalamiga ah ee InterPol lala xidhiidhinkaro xadhiga Fahad Yasin oo dhowaan markii lawaayay Ikran Tahliil oo ahayd sarkaalad ka tirsanayd sirdoonka Somalia la waayay geeri iyo nolol, iyadoo arrintaasi sababtay inuu xilkii uu ka hayay Hay’adda NISA ku waayo, isla markaana xiisadda ka dhalatay arrintaa sabbatay khilaaf si wey n u hadheeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo awoodda isku haysta.

Laxidhiidha: Bulshada Rayidka Oo Bayaan Kasoo Saaray Xaaladda Dalka, Murranka Awooddaha Iyo Kiiska Ikraan Tahliil

“Shirka maalinta Beri ee amniga qaranka ayuu ka qaybgalayay Fahad Yasin, wuxuuna ka jeedin lahaa warbixin aad loo dananaynayo, mana aha waxa loo xayiray kiiska arrinta gabadhaa ee waa khalad sababtoo ah waxa jira sharci caalami ah oo dhanka safarada iyo diblamaasiyada ah, Dawladda Djibouti ee aan walaalaha nahay waxan filayaa in ay arrintaa dhamaynay.” ayuu yidhi, Afhayeenka Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Somalia.

Dhinaca kale, xukuumadda Dalka Djibouti, ayaan wax war ah kasoo saarin xadhiga Fahad Yasin, iyadoo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya canbaaraysay xadhiga Sarkaalkaa oo ay ku eedaysay dawladda Djibouti.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post