X

Fadhigii Aan Caadiga Ahayn Ee Guurtida Loogu Yeedhay Oo Dib Loo Dhigay

Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan 12 January 2019. Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Fadhigii Gollaha Guurtida Somaliland loogu yeedhay todobaadkii ina dhaafay ee loo balamay inay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadaan maalinta Sabtida ee ku beegnayd maanta 12 January 2019, ayaa dib loo dhigay.

Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha oo saaka soo ajiibay fadhigaa ku war geliyay in fadhiga dib loogu dhigay maalinta beri ee 13 January 2019, wuxuuna sabab uga dhigay arrinta laysugu yeedhay oo wax qabyo ka yihiin, isagoo aan sheegin Guddoomiyuhu qabyadaa, balse wuxuu xusay in aanay dhinacooda ka iman qabyadu, wuxuuna uga mahadceliyay Mudanayaasha sida ay usoo ajiibeen fadhigaa aan caadiga ahayn oo sida uu golaha ka sheegay maalinta beri dib loogu dhigay.

Todobaadkii horre, ayaa fadhi aan caadi ahayn loogu yeedhay Gollaha guurtida, taas oo sabab looga dhigay, kadib markii Shir-guddoonka Aqalka Odayaashu ay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka heleen qoraal uu soo gaadhsiiyay oo la xidhiidha mudda kordhinta ay sababtay doorashooyinka dib u dhacay. Sidaa awgeed Gollaha Guurtida oo isagu leh mudda kordhinta uu mudadda u kordhiyo Gollayaasha Wakiiladda iyo Deeggaanka Somaliland.

Warqad Madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyay Shirgudoonka gollaha guurtida oo ku taariikhaysan 8 January 2019, Isla markaana shebekadda Araweelo News Network heshay nuqul ka mid ah, waxa Madaxweynuhu kaga hadlay in muddadii la filayay in doorashada golaha Wakiiladda Somaliland ka qabsoonto dalka March 2019, aanay farsamo ahaan Iyo dhaqaale ahaan suurta gal ahayn.

Sidaa awgeed Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo qoraalkiisa ku sheegay in uu ku lifaaqay warqad uu ka helay guddida doorashooyinka Qaranka oo ku taariikhaysan 19/12/2018, taas oo ay ku sababeeyeen in aan doorashadu waqtigeedu ku qabsoomayn, balse qoraalka Madaxweynaha waxa lagu xusay oo keliya doorashada Gollaha wakiiladda, iyadoo aan meelna lagaga xusin doorashada Gollayaasha deegaanka, waana sababta loo malaynayo in fadhiga Gollaha Guurtida saaka dib loogu dhigay si qoraalka dhanka Madaxtooyadda ka yimi ee lagu socodsiiyay Guurtida loo saxo.

Qoraalka Madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyay golaha Guurtidu todobaadkii horre, ayaa u dhignaa sidan:-

Warqada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi u gudbiyay Guurtida araweelo News Network.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post