X

Fadeexado Musuqmaasuq Oo Hadheeyay Baarlamaanka Yurub Ayaa Galaaftay Haweenay Guddoonka Ka Mid Ahayd

Eva Kaili

Araweelo News Network.

Brussels (ANN)-Aqlabiyadda xubnaha Baarlamaanka Yurub ayaa u codeeyay in Haweenayda Eva Kaili laga xayuubiyo jagadii Guddoomiye ku xigeenka ee ururka Salaadadii.

Mooshinka lagu soo afjarayo xilkeeda oo la horgeeyay Baarlamaanka waxaa taageeray 625 mudane, halka uu diiday hal mudane, labona kalena ay ka aamuseen.

Saddex meelood labo meel ayaa loo baahnaa si looga xayuubiyo xilka, isla markaana looga joojiyo ka mid noqoshada 14 guddoomiye ku xigeen ee jira.

Haweeneyda Eva Kaili, oo 44 jir ah, ayaa u dhalatay dalka Giriiga, waxaana Jimcihii lagu xidhay dalka Beljimka,  kaddib markii lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahayd koox lacago laaluush ah ka qaadatay dalka Qatar, taas oo sida lagu sheegay eeddaha loo jeediyay ee xilka lagaga xayuubiyay inay ku bedeshay lacagtaa si ay siyaasadda ugula saaxiibto dowladda Khaliijka.

Baarlamaanka Yurub ayaa kusoo oogay dacwad musuq maasuq Haweenayda Eva Kaili kaddib markii lagu eedeeyay in dalka Qatar oo marti galinaya koobka aduunka uu bixiyay lacago laaluush ah si uu saamayn ugu yeesho siyaasada Midowga Yurub, wallow ay dawladda Qatar been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaantay in ay bixisay lacago laaluush ah.

Eva Kaili ayaa laga xayuubiyay awoodeeda kaddib markii sida la sheegay in baadhayaasha gurigeeda ka heleen boorsooyin lacag ah. Waxay ka mid tahay Afar qof oo ilaa hadda loo xidhay fadeexada soo waajahday Midawga Yurub.

Eedeymaha laaluushka iyo musuqmaasuqa ee ka dhex jira madaxda sare ee sharci dejinta Yurub ayaa dareen naxdin leh ku beertay guud ahaan qaaradda Yurub, waxaana laga cabsi qabaa in ay ka dhashaan kacdoono cadho abuura.

Xadhiga Eva Kaili, ayaa sidoo kale sababay in baadhitaano lagu sameeyo shaqsiyaad kale iyo hawlwadeeno lala xidhiidhiyay in ay lug ku leeyihiin arrimahan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post