Fadeexad Sababtay in Dadweynaha Ingiriisku Dalbadaan in Raysal Wasaare David Cameron Xilka Iska Casilo
Araweelo News Network
Kumanaan qof oo sameeyey mudaharaad ay ku muujiyeen cadhada ay ka qaadeen cashuuro uu lunsaday Raysal wasaaraha UK David Cameron
London(ANN)Dadweynaha dalka Ingiriiska, ayaa ka dalbaday Ra’iisal-wasaarahooda David Cameron inuu iska casilo xilka kadib markii ay ku soo baxday fadeexad uu ku lunsaday cashuuro lagu yeeshay.
Ra’iisal-wasaare David Cameron oo culays la saaray kadib qirtay inuu ka faa’iidaystay in ka badan lacag £30,000 (soddon kun oo lacagta bownka ah) oo ahayd cashuuro ku waajibay hanti uu uga dhintay aabbihii, ayaa sheegay inuu khaldamay oo ay ahayd inuu si wanaagsan u maareeyo arrimihiisa maaliyadda.
Kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada London ee xarunta UK, ayaa isugu soo baxay wajahadda aqalka looga taliyo dalkaasi ee ku yaal meesha la yidhaa Downing Street shalay, iyagoo sitay boodhadh ay qoran yihiin hal-ku-dhegyo ugu baaqaya in Ra’iisal-wasaare Cameron iska casilo xilka, maadaama uu galay dambi lunsi cashuureed ah, taasina ay hoos u riday ammaanidii ay u dhiibteen shacabkiisu. Waxa kaloo ay ballanqaadeen in aanay joojinayn mudaharaadyadooda ilaa uu shaqada ka tagayo Ra’iisal-wasaaruhu.
Haseyeeshee, Ra’iisal-wasaare David Cameron oo hadal jeediyey shalay, ayaa ku adkaystay inuu arrintan wax ka baranayo oo eegayo cashuuraha ku waajibay maalgalinaha saamiga uu ku leeyahay hantidii uu uga tagay aabbihii, isla markaana waxa uu ballanqaaday inuu dhawaan soo daabici doono macluumaadka ku saabsan cashuurihii uu bixiyey lixdii sanno ee u dambeeyey si uu u caddeeyo in aannu wax madmadow ah ku jirin.
Waxa kaloo uu u soo jeediyey dadka codeeya inuu isagu qaadayo masuuliyadda arrintan, isla markaana ay ku kalsoonaadaan xisbiga talada haya ee Conservative-ka.
“Toddobaadkani muu ahayn mid fiican. Waan ogahay in aan arrintan u maarayn karayey si wanaagsan, waxaan ogahay in ay jiraan casharro aan ka baranayo tan, waanan ka baran doonaa. Yaan la eedayn xafiiska No 10 Downing Street (aqalka looga taliyo UK), yaan la eedayn la-taliyayaal bilaa magac ah, aniga ha la i eedeeyo. Casharro ayaan ka baran doonaa arrintan,” ayuu yidhi David Cameron.
Dhinaca kale, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Labour-ka, Jeremy Corbyn, ayaa ku eedeeyey Cameron inuu ka been sheegayo cashuuraha uu lunsaday, isla markaana uu doonayo inuu marin-habaabiyo dadweynaha, “Cameron wuxuu marin-habaabiyey bulshada, waxaannu waayey kalsoonidii ay ku qabeen dadka reer Britain,” ayuu yidhi Jeremy.
Fadeexaddan ayaa hoos u riday kalsoonidii shacabka Ingiriisku ku qabay Ra’iisal-wasaare Cameron, iyadoo daraasad cusub oo la qaaday muujisay in boqolkiiba 56% dadweynaha aanay rumaysnayn in Cameron ceeb-ka-saliim ka yahay lunsi cashuureed, halka boqolkiiba 34% keliya aaminsan yihiin in Ra’iisal-waraasuhu shaqo wanaagsan ka qabtay xafiiskiisa, taa beddelkeedana ay fikraddaasi ka soo horjeedaan 58%.
Sidoo kale, daraasaddu waxay xustay in boqolkiiba 68% ee dadka codka bixiya Britain ay ka aamin baxeen Ra’iisal-wasaarahooda David Cameron.
Arrintan ayaa lagu wadaa inay dhaawac u gaysato xisbiga haya talada Britain ee Conservative-ka oo dhawaan gali doona doorashooyin.
Dhinaca kale fadeexadan, ayaa qayb ka ah kumanaan dukument oo ay shaaciyeen maalmihii lasoo dhaafay Panama papers, kuwaas oo lagu sheegay in hoggaamiyayaal badan oo dunida ah lunsadee lacago.