X
    Categories: Warar

Face-Book Been Abuur Ah Oo Sababay Xadhiga 6 Kaaliye Oo Ka Tirsan Maxkamaddaha Hargeysa

Araweelo News Network

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa (ANN)Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadashay sababta keentay in la xabsiga loo taxaabo qaar ka mid ah Hawl-wadeeno ka tirsan Maxkamadaha racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeisa. Waxaanay Maxkamadu sheegtay in Dadka la xidhay ay samaysteen Face-book account been abuur ah lagana been abuuray Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka M/ jeex “ Cali Suudi Diiriye” Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil “ Halac” ayuu kaga sheekeeyey sababta waqtigan keentay inay xabsiga u taxaabaan kaaliyayaashani, “ Face-book been abuurka ah waxa lagu faafiyey warar been abuur ah oo boro-bogaande ah, looguna talo galay in layskaga hor keeno bahda Caddaalada iyo Garsoorka” ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Dalmar. Waxa kale oo uu yidhi “ baadhistii kiiskani way socotaa, waxana gacanta ku haya Hay’adaha baadhista Dambiyada. Waxanay Maxkamada ka soo codsadeen waaran sharciya oo lagu qab-qabanayo kaaliyayaashan kaasi oo ay hadda ku xidhan yihiin” waxana war-saxaafadeedkan lagu soo gabagabeeyey “ waxa la hor keeni doonaa Maxamad awood u leh iyaga oo heli doona garnaq Caddaalad ku dhisan”

Suxufi, Saciid Khadar Cabdillaahi

E-mail: Muxaafid@gmail.com
E-mail: siciid-khadar@hotmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post