X

Ethiopian Airlines Oo Shixnad Hub Ah Si Qarsoodi Ah Uga Dejisay Suudaan Iyo Xukuumadda Khartuum Oo Digniin U Dirtay Addis Ababa

Araweelo News Network.

Khartoum(ANN)-Xukuumadda Millateriga ah ee dalka Suudaan, ayaa sheegtay in la qabtay hub la doonayay in qalalaase lagaga abuuro dalkeeda, kaas oo Maamulka Kastamka Khartoum ee Madaarka gacanta ku dhigeen habeenimadii Sabtida, waxayna sheegeen in hubkaa oo ka yimi dhanka Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa lagu soo qaaday diyaaradda Ethiopian Airlines,
Wakaaladda wararka ee Suudaan News Agency oo loo soo gaabiyo SUNA, ayaa faafisay in hubkaa oo ahaa mid markii hore ka yimi dhinaca dalka Ruushka lasoo saaray diyaaradda Ethiopian Airlines oo ka timi Addis Ababa, isla markaana caga -dhigatay. Madaarka Khartoum fiidnimadii Sabtida, balse shixnada hubka ah, waxa isla markiiba gacanta ku dhigay maamulka Kastamku, waxaana baadhitaanka wada xeer ilaaliyaha Guddida Kala diridda.

Guddida Soo -celinta Lacagta Dadweynaha ayaa sheegay inay ku wargeliyeen mas’uuliyiinta ay khusayso xog ku saabsan in shixnada hubka ah. Sida laga soo xigtay Guddida Burburinta hubka ayaa yimi Ethiopia, iyagoo ka yimi caasimadda Ruushka, Moscow, bishii May 201, balse masuuliyiinta xukuumadda Ethiopia ayaa halkaas ku xidhay labadii sano ee la soo dhaafay hubkaa, laakiin xukuumadda Addis Ababa ayaa digniin la’aan u oggolaatay in loo qaado Khartoum oo lagu rarao shixnadaa hubka ah diyaarad rakaab oo rayid ah.

Guddida, ayaa sheegtay in shixnadda hubka ah ay ka kooban tahay 72 sanduuq, oo ay ku jiraan hub iyo qalabka casriga ah ee indho-indhaynta aragga habeenkii (night vision goggle-binoculars), waxayna xukuumadda Khartuum sheegatay tuhunka ah in hubkan loogu talo-galay in loo adeegsado dambiyada ka dhanka ah dawladda iyo sidoo kale carqaladaynta kala-guurka dimuqraadiyadda si loogu khalkhaliyo sida ay ku dooday xukuumadda Millteriga ah u guuridda dawladda rayidka ah.
Wakaaladda wararka ee SUNA, oo soo xiganay iIlo -wareedyada baadhitaannada hordhaca ah, waxay sheegtay in imaanshaha hubkan laga yaabo inay la xidhiidho xaaladda dhanka amniga ee dalka, balse lama shaacin cidda loo waday hubkaa, waxaase jira tuhun la xidhiidha taliskii hoggaamiyihii hore ee dalkaa Cumar Xasan Al bashiir ee xukunka lagaga tuuray inqilaabka in loo waday hubkaa, wallow aan wax xaqiijinaya tuhunka noocaa ah loo hayn.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan, ayaa xaqiijisay Suudaan inay si buuxda uga go’an tahay mabaadi’da deris-wanaagga iyo in aannay wax faragelin ah ku hayn arrimaha gudaha ee dalalka kale, sidaa awgeed wasaaradda arrimaha dibedda Suudaan, waxay ugu baaqday dawladda Ethiopia inay joojiso, waxay ku tilmaantay hab -dhaqankeeda cadaawadda leh ee ay kula macaamilayso Suudaan waxayna cambaaraysay eedaymaha ciidamada Ethiopia ee ah inay koox hubaysan soo galeen xuduudda Suudaan (dhulka ay ku muransan yihiin) si ay u weeraraan xarun Ethiopia ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale tilmaamtay in dowladda Ethiopia ay marar badan ku guuleysatay in ay ku lug yeelato magaca Suudaan mar kasta oo ay xaaladda gudaha ka sii darto, sidaa darteed waxay ugu baaqday dowladda Ethiopia in ay joojiso habka cadaawadda ee la macaamilka Suudaan, oo ay caadaysatay muddadii la soo dhaafay, iyo sidoo kale in la joojiyo soo noqnoqoshada eedeymaha aan lagu taageerin xaqiiqda ama caqliga ka dhanka ah Suudaan si loo gaadho danaha iyo ujeeddooyinka shaqsiyaad iyo kooxo gaar ah.”ayaa lagu yidhi, bayaanka.
Suudaan waxay carabka ku adkysay in ay ku soo xayndaabay dhammaan dhulalkeeda iyo xudduudda caalamku aqoonsan yahay ee ay la leedahay Ethiopia oo ay deris yihiin, iyadoo ka digtay in Suudaan aannay oggolaan doonin in dhulalkeeda laga faa’iidaysto dhinac kasta, balse aannay damacsanayn inay ku soo duusho ama qabsato dhulka dal kale.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post