X

Ethiopia: Xukuumadda Oo Qaybinay Malaayiin Litir Oo Saliid Sunflower Ee Cuntada

SALIIDA SUNFLOWERS

#Araweelo_News_Network

ADDIS ABABA Ethiopia, (ANN)- Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa qaybinay  Malaayiin Litir oo Saliid, taas unflowe nooca saliida Cuntada loo isticmaalo ee sunflower oo lagu iibinayo qiime aad u hooseeya, iyadoo uu jiro sicir barar saamayn ku yeeshay nollosha Bulshada oo weliba si ba’an u saameeyey Bulshada.

Wasiirka ganacsiga iyo xidhiidhka maamulada gobolada ee Ethiopia Dr. Kasahun Goffe, ayaa shaaca ka qaaday in dawladu ay todobaadka soo socda dalka ka qaybin doonto in ka badan 14 milyan oo litir oo saliid ah si loo xasiliyo suuqa.

Xukuumadda ayaa qorshaha ay bilawday, wuxuu sidoo kale, kusoo beegmaya todobaad kaddib markii ay dhawaan u wareegay sarifka lacagaha qalaad ee suuqu ku salaysan yahay, suuqa magaalada Addis Ababa ee Mercato, waxaa laga dareemay kor u kac qiimihiisu yahay mid weyn, iyadoo qiimaha qaar uu kor u kacay ilaa 400 oo birr. Korodhkani wuxuu inta badan saameeyay cuntooyinka dalka uga yimaada dibadda, sida cabitaannada, iyo alaabo kale oo kala duwan.

Ganacsatada suuqa magaalada Mercato ee dalka Ethiopia ayaa tilmaamay in qiimaha saliidda wax lagu karsado ee dibadda laga keeno uu kor u kacay inta u dhaxaysa 30 Birr ilaa 400 oo Birr, taasoo ku xidhan nooca iyo baahida saliidda.

Laakiin qorshaha xukuumadda ee lagu qaybinayo Saliida dhammaan dalka oo dhan oo laga gudbinayo xuduudaha maamul goboleedyada ka jira ee hoos yimaada dawladda Federaalka ah, ayaa durba suuqa saliida hoos u dhigay, kaas oo qayb ka ah qorshayaal xukuumaddu ku doonayso innay si weyn hoos ugu cadaadiso qiimaha maceeshada cirka isku shareeray muddooyinkan, markii ay lacagta dalka ee Birta aad u qiima dhacday., balse lacago malaayiin dollar ah oo ay xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy ka heshay IMF iyo dalalka saaxiibka la ah, ayaa soo celiyay qiimaha lacagta Birta, iyadoo Xukuumaddu wado qorshayaal ay weli kula tacaalay qiima dhaca lacagta iyo sicir bararka hadheeyay dalka oo si dhab ah u taabtay nollosha Bulshada saboolka ah.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post