X

#Ethiopia: Shuruuc Cusub Oo Fursad Siinaya Ganacsatada Ajaanibka

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, center, engages with other African leaders at the opening session of the 37th Ordinary session of the Assembly of the African Union (AU) Summit in Addis Ababa, Ethiopia, Saturday, February 17, 2024. (AP)

 

 

#Araweelo_News_Network

Addis Ababa (ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa doonayo innuu soo saaro sharci ay dadka Ajaanibta ahi ku yeelan karaan hanti ma-guurto ah, taasoo qayb ka ah qorshaha ballaadhan ee waddanku ku doonayo inuu ku furto dhaqaallaha iyo soo jiidashada maalgashadayaasha

Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa hadalka ka sheegay goor dambe oo Sabtidii ah TV-ga Qaranka, isagoo kulan la yeeshay maalgashadayaal la socday shirkadda ahisheeye iyo ashkhaas  kale dalka Ethiopia dadka Ajaanibta ayaa laga mamnuucay innay guryo ku yeeshaan dalka, ama dhismayaal la dego ama ganacsi, taas oo loo arko innay caqabad ku tahay dadaallada socda ee lagu doonayo in maalgashi shisheeye loogu soo jiido dalka ku yaalla Geeska Afrika

Isagoo la hadlayay maal-gashadayaasha March 22, 2024, Ra sisal Wasaare Abiy wuxuu sheegay in xayiraadda laga qaaday ganacsiga tafaariiqda caalamiga ah sida Starbucks iyo silsiladaha dukaamada waaweyn. “Hadda waxaan u furi doonnaa suuqa,” ayuu yidhi.

Dalka Ethiopia, waxay muddo dheer ilaalinaysay siyaasaddaha Ilaalinta ganacsiga iyadoo ka fogaatay ganacsiga xorta ah, fur-furnaanta ganacsiga,  iyada oo qaybta tafaariiqda ka xidhaysa shirkaddaha shisheeye.

Hase yeeshee , tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2018, Abiy waxa uu dabada ka riixayay isbedello dhaqaale, wallow aannay weli ka muuqan dalka isbedello  dhaqaale oo muujinaya Suuqa ganacsigu inuu yahay mid xor ah, waxaana weli Ethiopia laga arkayaa taadadkii Boqortooyada iyo nidaamyadii hortaagnaa ganacsiga iyo fur-furnaanta raadadkii iyo shuruucdii ay kaga tageen, kuwaas oo ay addagtahay innay quluubta shucuubta Ethiopia ka degaan.

Shirkadda isgaadhsiinta ayaa noqotay tii ugu horreysay ee la furo, iyadoo Safaricom ay heshay shati dhan 850 milyan oo dollar. Xeerarka bangiyada ayaa sidoo kale dib loo habeynayaa si loo oggolaado maalgashiga shisheeye.

Furitaanka suuqa tafaariiqda waxa uu qayb ka ahaa Ajendaha Dib-u-habaynta Dhaqaalaha Dalka ee Ethiopia, kaas oo hadda la hirgelinayo la saadaalinkaro  illaa 2026.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post